U bood dhigaalka

Hay’adaha Qaramada Midoobay oo Ka Digay Xaaladda Abaaraha Soomaaliya oo Sii Xoogeysanaya

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobay oo warbixin ka soo saatay xaaladda abaaraha Soomaaliya ayaa sheegtay in Lixdii bilood ee ugu dambeysay abaarahu ay gaareen meel halis ah.

Hay’adda dhanka beeraha u qaabisan Qaramada Midoobay ee FAO ayaa sheegtay inta badan dadka Soomaaliyeed ay saameysay abaarta, iyadoo 6 milyan oo qof ay gaajo la il daran yihiin.

Mas’uulka u qaabilsan  FAO  Soomaaliya oo la yiraahdo Dick Trenchard ayaa ka digay in Kumanaan ay qarka u saran yihiin geeri, oo ay waajahayaan cunno yaraan daran, waxaanuu ku baaqay in gurmad degdeg ah lala gaaro dadkaas.

“Waxaa aad noo walwal gelinya waa  cabsi xoog leh oo aan ka qabno in xaaladdu ay si degdeg ah u xumaato, tiro dadka gurmadka u baahan ay khatarta waajahayaan, in gurmad caafimaad iyo mid cunto ahba lala gaaro dadkaa dhibaateysan waxay soo koobaysaa khatarta xooga leh ee la filan karo” ayuu yiri Trenchard.

Qaramada Midoobay ayaa sheegay December,2016, in loo baahnaa lacago $ 885 milyan, laakiin 48% lacagtaas ay heleen 4 isbuuc ka hor dhamaadka sannadka, iyadoo boqolaal kun oo Soomaali ah ay waajahayaan abaaro aad u xoogan.

Goobjoog News