U bood dhigaalka

Hay’adda bisha cas ee imaaraadka oo howlo afur qeybin ah ka wada Muqdisho

Sheeko:War
IMG_8038
Qaar kamid ah haween degmada Hodan loogu qeybiyay deeq afur ah

Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa maalintii 23-aad waxa ay howlo afurin iyo casho qeybin ah ka wadaan Degmooyinka Gobalka Banaadir, iyadoo maanta howlo afur qeybin ah ay ka sameeyeen Degmada Hodan.

Dadka maanta raashinka loo qeybiyay ayaa ahaa kuwo ubaahnaa raashinka, kuwaasi oo si aad ah uga mahad celiyay raashinka Dowladda Imaaraadka carabta ay u qeybisay dadkaasi.
Hooyo ka mid ah dadkii raashinka loo qeybiyay ayaa sheegtay inay tahay wax aad loogu farxo in Dowladda Imaaraadka Carabta ay caawiso dad masaakiin ah oo raashin afur iyo casho isugu jira ay siiso.
Faadumo Siyaad oo kamid ah haweenka ayaa sheegtay in ilaa 1 da Ramadaan ilaa hada ay qaadanayeen raashinkaan afurinta ah, waxaana ay sheegtay in Imaaraadka ay uga mahadcelinayaan caawimaada ay siiyaan dadkaan. Xersiyo Xaashi Xayle oo ah haweenay da’ ah ayaa sheegtay in Imaaraadka ay ka codsanayaan in Iida ay la soo gaaraan dharka ciida, maadaama aysan awood badan u laheyn inay iibsadaan dharka.
Tan iyo markii ay bilatay Bishan Barakeysan ee Ramadaan ayaa Hay,adda Bisha Cas ee Imaaraadka waxa ay afurin ka waday Magaalada Muqdisho Degmooyinkeeda kala duwan.