U bood dhigaalka

Hay’adda Culimada Oo Baaq u Dirtay Shacabka Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa baaq ku aadan abaaraha ka jira qaar ka mid ah gobollada dalka u dirtay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha hay’addaasi oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa wax haysta looga baahan yahay iney u gurmadaan walaalahooda abaarta ku haysa qaar kamid ah gobollada dalka.

Ka Culimo ahaan ayuu sheegay iney ku wacyigeliyeen shacabka iyo mas’uuliyiinta Soomaaliyeed in si isku mid ah kaalin uga qaataan u gurmashada shacabka abaarta ku hayso gobollada dalka.

Dhanka kale Sheekh Bashiir ayaa sheegay in hantida ku baxda maandooriyeyaasha sida qaadka haddii maalin qura la baajiyo misane loo weeciyo dhanka gurmadka ay dadku wax badan u qaban karto.

“Dadkeenii abaar bay u dhimanayaan ayaa hadane dhaqaalaheenii iyo xoolaheenii waxaa la siisanayaa wax sun ah oo iyadoo loo jeedo aan wax laga qabaneyn, qaadka oo kale qarashka maalin walbo ku baxa haddii maalin kaliya loo weecin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaarta hayso wax badan bay u qaban lahayd” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Ugu dambeyn Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in xilligaan kaliya la doonayo in la iskaashado, islamarkaana loo baahan yahay in si hagar la’aan ah loogu gurmado shacabka Soomaaliyeed.

Goobjoog News