U bood dhigaalka

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Oo Baaq u Dirtay Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare

Sheeko:Dalka

Hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa fariin u dirtay guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ee dalka, taasi oo maalin kahor uu soo magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh.

Guddoomiyaha Hay’adaasi Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in guddoomiyahan looga baahan yahay inuu soo celiyo cadaalad, islamarkaana dadka si isku mid ah ugu kala gar naqi doono.

Waxa uu tilmaamay in markii hore aanay muuqan garsoor cadaalad ah, islamarkaana hadda ay filayaan isbedallo badan oo garsoorka ah.

Xilli hore ayuu sheegay in loo baahnaa in isbedal lagu sameeyo maxkamadda sare gaar ahaan xilka laga qaado guddoomiye hore Ilka Xanaf.

“Arrintan aad bay u dib dhacday Ilka Xanaf muddo badan buu joogay mar hore ayeey ahayd in laga qaado, hadii talo la’iga weydiin lahaa mar hore ayaan taladaan dhiibi lahaa, wadanka meesha laga haysto waa garsoorka, ciddii u aragta inuu sii joogo guddoomiyahii hore waa cid danta Soomaaliyeed ka talineen, aniguna la aragti ma ihi” ayuu yiri Sheekh Nuur.

4-tii bishan ayaa digreeto kasoo baxday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa xilka guddoomiyaha maxkamadda sare loogu magacaabay Ibraahim Iidle Suleymaan iyadoo xilkaasi laga qaaday Abuukaate Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf.

Goobjoog News