U bood dhigaalka

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Oo Nabad Ugu Baaqday Somaliland Iyo Puntland

Sheeko:Dalka

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa qoraal ay soo saartay waxay kaga hadashay dagaalladii ka dhacay deegaanka Tukaraq iyo sidoo kale xiisadaha u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Somaliland.

Waxay culimada usoo jeediyeen Somaliland iyo Puntland in khilaafkooda u xaliyaan si nabad ah, kana fogaadaana inuu daato dhiig shacab Soomaaliyeed.

Culimada ayaa ka digey wax walbo oo cawaaqib xumo ah oo ka dhalan kara dagaallada Tukaraq.

Sidoo kale, hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa usoo jeedisay waxgaradka, abwaanada, warbaahinta iyo cid walbo oo jecel ka shaqeynta samaha iney isku howlaan in si degdeg ah loogu dhowaaqo xabad joojin.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka hay’adda culimada:

Goobjoog News

Cima