U bood dhigaalka

Hay’adda Dr Ismaaciil Jimcaale Oo Ku Baaqday In La Sameeyo Guddi Baara Dadkii Dhawaan Lagu Laayay Marka

Sheeko:Dalka

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Dr Ismaaciil Jimcaale ayaa ku baaqday in degdeg loo sameeyo guddi baaritaan ku sameeya dadkii maalin kahor ciidamada AMISOM ku laayeen magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose.

Agaasimaha Hay’adaasi Cismaan Aweys Daahir oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in wixii ka dhacay magaalada Marka ay ahayd mid gef ku ah xuquuqda aadanaha.

Waxa uu agaasimaha ugu baaqay taliska AMISOM in ciidamada ay Soomaaliya keenayaan ay ahaadaan kuwo u tababaran dhowrista xuquuqda aadanaha, islamarkaana laga fogaado in lasoo diro kuwo shacabka laynaya.

“Dhacdadii ka dhacday Marka waa mid laga murgoodo, waana mid aynu dhihi karno waa musiibo, waxaan leenahay waa ku xad gudub dhanka xuquuqda ah oo loo geystay dad shacab ah, anaga dadka ku dhintay Marka waxaa inoo diiwaan gishan 22-ruux oo dhimasho ah iyo 6 qof oo dhaawac ah” ayuu yiri Agaasimaha.

Ciidamada AMISOM waxa ay 21-kii bishan magaalada Marka ku dileen dad badan oo shacab ah, kuwaasi oo aan la ogeyn sababta ka dambeysay in ay dilaan.

Goobjoog News