U bood dhigaalka

Hay’adda Ganacsiga Adduunka Oo Sheegtay In Ganacsiga Adduunka Sanadkan Uu Kobci Doono 3.6%

Sheeko:Dalka

 

Hay’adda Ganacsiga Adduunka (WTO) ayaa sheegtay in ganacsiga adduunka sanadkan uu kobci doono 3.6% taas oo noqoneysa mid ka badan qiimeyntii ay sameeyeen sanadkii lasoo dhaafay.

Ururkan WTO ayaa sanadkii la soo dhaafay saadaalisay kobaca ganacsiga adduunka ee sanadkan aan ku guda jirno iyadoo ku tilmaamtay inuu kobci doono oo kaliya 1.3%.

Farqiga u dhaxeeya saadaalintii hore iyo saadaalintan cusub ayaa noqonaya 2.3 boqolkiiba.

Dalabka iyo wax-dhoofinta dalalka Asia iyo Waqooyga Ameerika oo kobcaya ayey sheegtay WTO in uu wax ka badalay saadaalintii ay horay u sameeyeen.

“Ifafaalaha wanaagsan ee ganacsiga dunida ee innoo muuqda waa arrin soo dhaweyn mudan inkasta oo ay jiraan qataro aan la dhayilsan karin oo weli dhaqaalaha dunida hortaagan” sidaa waxaa saxaafadda u sheegay, madaxa guud ee WTO, Robert Azevedo.

Caqabadaha uu ka hadlay madaxa guud ee WTO ayaa waxaa siyaabo kala duwan u fasiray quburada ka faallooda dhaqaalaha iyo ganacsiga caalamiga ah waxaa ayna badankood ku tilmaameen siyaasadaha dalalka caalamka oo sii kala fogaanaya iyo heshiisyada ku saabsanaa ganacsiyada xuduudaha ka gudba oo sii baaba’aya. Labadaas arrimoodba waxaa ay saameyn ku leeyihiin ganacsiga adduunka.

Goobjoog News