U bood dhigaalka

Hay’adda Hormuud Foundation oo gurmad gaarsiisay Gedo

Sheeko:Dalka

Hay’adda Hormuud Foundation ayaa sheegtay in ay gurmad biyo dhaamin ah u samaysay qaar kamid ah dadka ay saamaynta xun ku yeesheen abaaraha ka jira gobollada Koofurta iyo bartamaha.

Madaxa Hormuud Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa sheegay in gurmadka aanu noqon doonin mid intaas ku eg oo waxa uu yiri meelaha kale ee abaaruhu ka jiraan ayaan gaarsiinaynaa gargaar deg deg ah .

Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa xusay goobaha ay gagaarka gaarsiiyeen ay ka yihiin Ceelwaaq, Garbahaarey, Luuq, Beled Xaawo iyo tuulooyin ka fog magaalooyinka oo ay si adag u saameysay abaarta.

Ugu dambeyntii waxa uu ugu yeeray bulshada soomaaliyeed in ay caawiyaan dadka ku nool dhammaan gobolada ay macluushu ka jirto.