U bood dhigaalka

Hay’adda Horumarinta Talyaaniga Oo €3 Milyan Ku Wareejisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya

Sheeko:Caafimaadka

Hay’adda horumarinta talyaaniga ayaa maanta waxay wasaaradda caafimaadka iyo UNFPA ku wareejisay lacag dhan €3 milyan oo Yuuro.

Lacagtaan ayaa loogu talogalay in lagu hormariyo hooyada iyo dhallaanka Soomaaliya, iyadoo la rajeynayo in badbaado loo helo dhallaanka iyo hooyada Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, Fowsiya Abiikar oo munaasabadda lacagtaan lagu wareejinayey hadal ka jeedisay ayaa sheegtay iney soo dhoweynayaan lacagtaan ay ku deeqday hay’adda horumarinta Talyaaniga.

Waxay sheegtay wasiir Fowsiya iney jirtay daraasaad lagu sameeyay xarumaha caafimaadka sida dhismaha, adeegyada caafimaadka iyo shaqaalaha, taasi oo soo socotay sanadihii 2014-2015 iyo 2016, iyadoo tilmaamay in lacagtaan lagu deeqay tahay mid wax badan qaban doonto.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir ayaa dhowr jeer oo horey waxay cabasho ka muujiyeen dhibaatooyin ay sheegeen iney ku qabaan daryeelka hooyada iyo dhallaanka iyaga oo sheegay ineysan xilligaasi jirin cid garab istaagta marka laga tago dawooyin kaga yimaada hay’ado hoostaga Qaramada Midoobay oo isbitaalkaasi siiya dawooyin aan ku filneen.

Lacagtan lagu wareejiyey Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka ayaa la filayaa in waxbadan ay ka bedasho baahiyaha ka jira daryeelka hooyada iyo dhallaanka.

Goobjoog News