U bood dhigaalka

Hay’adda Human Rights Watch Oo Sheegtay In Dowladda Federaalka Ay Ku Fashilantay Wax Ka Qabashada Arimaha Xuquuqda Aadanaha (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

HumanHay’adda u dooda xuquuqda Aadanaha Human Rights Watch ayaa sheegtay in dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku fashilantay wax ka qabashada xaaladaha la xiriira xuquuqda Aadanaha, gaar ahaan deegaanada ay dowladda maamusho.

Laetitia Bader oo ah afhayeenka Hay’adaan, ahna u qeybsanaha dhanka Afrika ayaa wareysi ay siiyay Goobjoog Fm, waxa ay kaga hadashay arimaha xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, xilli maanta ay tahay maalinta loo asteeyay xuquuqda Aadanaha.

Afhayeenada waxay sheegtay in xaaladda amaan ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay aad uga walaacasanyihiin, iyada oo tilmaantay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku fashilantay wax ka qabashada arintaasi.

“Xaaladda amaan ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waa mid aad aynu aad uga walaacsan nahay, dowladda Federaalka wey ku fashilantay, ama wey ku guul dareysatay inay ilaaliso xuquuqda dadka rayidka ah, gaar ahaan qeybaha ugu nugul dadka shacabka Soomaaliyeed, waxaan aragnay sanadkii tagay xadgudubyo is xig xigay oo loo geystay Haween Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa xusid mudan in xadgudub lagula kacay Haween ku jira xeryaha Barakacayaasha ee ku yaala magaalada Muqdisho, waa arin ay dowladda ka gaabisay, laakiin waxaa dowladda ka tanbadiyay arimaha siyaasadda oo culeys ku haya” ayeey tiri Laetitia Bader

Haweeneydaan waxaynu wax ka weydiinay warbixin ay dhawaan soo saareen, taa oo ay ku eedeeynayeen ciidamada AMISOM in xadgudub ay u geysteen Haween Soomaaliyeed.

“Warbixinta aan ka diyaarinayay AMISOM ee ka hadlaysa xadgudubyada ay ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho qaarkood ay Haweyn Soomaaliyeed kula kaceen waa arin baaritaan ku sameenay, waana warbixin aan u gudbinay oo aynu gaarsiinay wadamada Midowga Afrika ay Askarta ka joogaan Soomaaliya, gaar ahaan Burundi iyo Uganda, waxaan u sheegnay in baaritaan buuxa aynu ku sameynayno arinta ah in Kufsi lagula kacay Haween Soomaaliyeed oo ku jira Xeryo ku yaala Muqdisho, waana ka xunnahay hadii aynu nahay Human Rights Watch” ayeey hadalkeeda sii raacisay.

Maanta waxaa caalamka oo dhan looga dabaal degayaa maalinta xuquuqda Aadanaha, oo loo asteeyay maanta oo kale sanad walba 10 December.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysi oo la micneeyay (Tarjuman)

Goobjoog News