U bood dhigaalka

Hay’adda Human Rights Watch Oo War Kasoo Saartay Soomaalidii Lagu Laayey Badda Yemen

Sheeko:Dalka

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa si kulul waxay uga hadashay Soomaalidii 16-kii bishan March 2017, lagu laayey badda Yemen.

Sara Liya Waytsin, oo ah agaasimaha bariga dhexe ee hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in falkaasi uu ahaa mid aad looga argagaxo kana dhan ah xuquuqda aadanaha, waxaana ay sheegtay in muhiim ay tahay in lala xisaabtamo Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga.

Waxa ay tilmaantay in loo baahan yahay in  si weyn loogala xisaabtamo arrintan dowladda Sacuudiga, maadaama ay soo bateen kiisaska ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhacaya Yemen.

In ka badan 30 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa ku dhintay duqeyn culus oo diyaaradaha dagaalka Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ay u geysteen dooni ay la socdeen dadkaan oo tahriibayaal ahaa.

Dowladda Sacuudiga iyo dowlado kale oo kamid ah isbahaysigan ayaa iska fogeeyey iney iyagu ka dambeeyaan duqeyntaasi.

Goobjoog News