U bood dhigaalka

Hay’adda IOM oo ka digtay in Barakacayaasha laga saarayo xarumaha Dowladda

Sheeko:Dalka

r1Hay’adda socdaalka aduunka ee (IOM) ayaa walaac ka muujisay dadka barakacayaasha ah ee degan xarumaha dowladda oo lagayaabo in laga saaro goobahaasi, sida ku qoran nuqulka war qoraal ah oo GoobjoogFM ay heshay.

“Waxaan diiwaan galinay xogta dad gaaraya 49,651 qof oo ku kala nool shan goobood oo ay barakacaayashu ka degan yihiin magaalada muqdisho,waxaa muddooyinkan dambe socda barakicin baaxad leh, waxaana ilaa hadda xeryahooda laga saaraya dad gaaraya 5000 oo qof.”

“Xeryaha Darwiish iyo qeybo ka mid ah Boondheere ayey rariddu saameysay…, dadka barakacayaasha ah ayaa markii horeba kunoolaa xaalad adag, in laga saaro deegaanka ay ku noolyihiina waxay sii adkaynaysaa noloshooda” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo IOM-ta kasoo baxay.

Hay’adda IOM ayaa sidoo kale sheegtay, “dowladdu xaq ayay u leedahay in ay dib soo ceshato hantida guud laakiin waa in aan ilaalinaa xuquuqda barakayaasha gaar ahaan dadka nugul sida Haweenka, catuurta iyo dadka da’da ah, waana dadka dhibka ugu badan uu soo gaaro mar walba oo barakacayaal laga saaro xaruumo dowladeed”

Hay’adda ayaa qorsheyneysa iney lixda bilood ee soo aadan sameyso tirakoob guud oo lagu sameynayo dhammaan barakacayasha ku dhaqan Magalada Muqdisho. Waxaana la qiyaasayaa in barakacayaal gaaraya 360,000 oo qof ay ku nool yihiin caasimada oo kaliya iyo ilaa 1.2 milyan guud ahaan dalka. Sidaa awgeedna waxaa daruuri ah in dadaalada dib u dejinta ay ka qayb qaataan dhammaan dadka ay quseyso si xal loogu helo dadka barakacayaasha ah.

Walaaca hey’adda ayaa imanaya xilli dowladdu gaar ahaan wakaaladda maareynta musiibooyinka Soomaliya ee SODMA ay soo saartay war bixin ay ka diyaarisay shan xaruumo barakacayaal oo ku yaala magaalada muqdisho.

SODMA ayaa Sahanka waxaa ay ka sameysay xeryaha barakacayaasha ee Horseed, Tarabuunka, Sigaale, Darwiish iyo Bondheere ee magaalada Muqdisho. Waxaana war bixinta lagu sheegay in Barakacayasha ku nool muqdisho ay intooda badan ku nool yihiin degamada Hodan, iyadoo kuwa ku nool Siigaale ay yihiin kuwa ugu badan ee lagu wareystay sahanka hey’addu ay sameysay.Darwiish IDP camp

Tirada guud ee qoysaska la diiwaan geliyey ayaa ah 8,955 qoys, halka tirada inta qof ee guryahaasi ay tahay 49,651 oo qof.

Xerada barakacayaasha ee Horseed ayaa waxaa ku nool qoysas gaaraya 1,559 ama 8,824 qof, halka Tarabuunka ay ku nool yihiin 1,477 qoys oo ka kooban 8,332 qof oo Barakacayaal ah.

Waxaa soo raaca Siigaale 2,415 qoys oo ka kooban 13,353 qof, halka xerada Darwiish ay ku dhaqan yihiin 1,425 qoys ama 7,457 ruux. Boondherena waxaa ku nool 11,685 qof oo ka kooban 2,079 qoys oo barkacayaal ah.

Boondheere oo ah meesha labad ee ay kubadan yihiin barakacayaasha ayaa ka duwan kuwa kunool Hodan, sababtoo ah intooda badan waxey ku nool yihiin xaruumo iyo dhismooyin ay leedahay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana ka mid ah goobahaasi wasaaraddii hore ee arimaha gudaha, tii caafimadka, safaaradihii hore ee talyaaniga iyo Faransiiska.

War bixintaan ayaa imaanaysa ayadoo dad badan horay looga saaray xeryo dowladdu ay laheyd, kuwaas ugu dambeyntii  isugu aruuray deegaanka KM13, Heshiiskii Kampala (2009) waxaa kuxusneyd in barakacaayshu lagala tashado go’aanada xuseeyo dib u dejintooda iyadoo la fiirinaayo baahidooda.