U bood dhigaalka

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Oo Ka Hadashay Diyaarado Lagu Baaray Wajeer

Sheeko:Dalka

Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa ka hadashay sababta ka dambeysay Labo diyaarad oo ku wajahnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo loo leexiyey dhanka magaalada Wajeer si loo baaro.

Qoraal kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in diyaaradahaasi ay ka dhimaneyd iney qaataan warqado ay bixiso wasaaradda gaadiidka Kenya.

Waxaa qoraalkaasi lagu sheegay in heshiiskii Labada dal ee Soomaaliya iyo  Kenya uu yahay mid shaqeynayo, islamarkaana diyaaradaha ka baxa Muqdisho ay toos u tagi doonaan Nairobi.

Qoraaka Hay’adda halkaan hoose ka akhriso:

Cillad Farsamo oo dhinaca maamulka ah awgeed ayaa 2 diyaaradood oo ka duuley Airporka Aadan Cabdulle kuna sii jeedey Nairobi lagu leexiyey wajeer, diyaaradaha ayaa waxaa ka dhimanaa warqado ay bixiso wasaaradda Gaadiidka Kenya sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha duulista hawada ee labada dal.

Heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya ee ku saabsanaa dulimaadyada tooska ah waa mid shaqeynayaa isla markaana aysan jirin wax caqabad oo hortaagan, waxaana laga codsanayaa shirkadaha maamula diyaaradaha in ay qaataan warqadaha lagama maarmaanka u ah duulimaadyada tooska, sida warqadda duulimaandka waqtiyeysan.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya waxay si aad ah uga xuntahey waqtiga ka dhumay rakaabkii saarnaa diyaaradaha lagu leexiyey Wajeer, waxayna rajeynaysaa inaysan dhicin markale.