U bood dhigaalka

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Oo Xafiis Ka Furatay Degmada Goldogob, Mudug

Sheeko:Dalka

Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay si rasmi ah xafiis uga furatay degmada Goldogob ee gobolka Mudug.

Mas’uuliyiin ka socotay dowladda federaalka Soomaaliya, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxay ka qeybgaleen munaasabadda xarigga looga jarayey xafiiskan.

Xasan Maxamed Khaliif, guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland oo ugu horreyn halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in xafiiskan muhiimad weyn leeyahay.

“Meeshaan aad iyo aad ayeey muhiim u tahay, waa kastamkii weynaa oo aan la lahayn Itoobiya, howshaan gurigeenna ayeey inoogu timid oo aan Baasaboorka ka qaadaneynaa” ayuu yiri guddoomiyaha.

Agaasimaha hay’adda Maxamed Aadan Koofi oo isna halkaasi hadal ka jeediyey ayaa kula dar-daarmay shacabka Goldogob iney ilaalsadaan xafiiskan iyo sidoo kale sharciyada Baasaboorka lagu qaadanayo.

“Halkaan waxaa sharaf u ah reer Galdogob dhisme isku qaada Kastamkii, Amnigii iyo socdaalkii intaba, waa nasiib gaar ah oo aad haysataan, waxaad haysataan adeeggii Baasaboorka, wuxuu idin kaga baahan yahay inaad ilaalsataan”

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa horey xarumo uga furatay qaar ka mid ah degmooyinka ku yaalla gobollada dalka.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada