U bood dhigaalka

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Oo Joojisay Dal Ku Galkii Sudan

Sheeko:Dalka

Taliyaha hay’adda jinsiyadaha iyo socdaalka ee dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaai Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay joojisay dal ku galka dalka Sudan laga billaabo maanta oo Talaado ah,.

Waxa uu sheegay Gaafow oo maanta saxaafadda la hadlay in arrintan ay ka dambeysay kadib markii xog dhameytiran ku heleen in ugu badnaa dhallinyarada Soomaaliyeed ay Khartoum u adeegsadaan marin ay u adeegsadaan dalka Masar oo ay kasii tahriibaan.

“Waxaan soo saarnay mamnuuc ah in qof kale oo VISA wata aanu halkaan ka bixin waxaan soo ogaannay in dadkaan badankooda ka baxeen Khartoum oo Qaahira sii galeen” ayuu yiri Gaafow.

Mudane Gaafow ayaa eedeynta badan ugu badan u jeediyey madaxda maamul goboleedyada dalka oo uu sheegay inaysan mas’uuliyad iska saarin dhallinyarada ka kala imaanaysa deegaannada ay maamulaan misane tahriibaya, wuxuuna tilmaamay in hadii shaqo iyo dhiiragelin heli lahaayeen aanay ku dhiiran lahayn inay tahriibaan.

“Maamul goboleedyada oo aan xil weyn iska saareyn dadkaasi dhallinyarada ah ee iska hayaamaya, waan ka xunnahay intii dhimatay Allaha u naxariisto, annaga waxaa na saaran dadaal inaan sameynno, maamulladana sidaa baa looga baahan yahay” ayuu hadalkiisa ku daray Gaafow.

Warkaan kasoo baxay xafiiska Jindiyadaha iyo Socdaalka Soomaaliya ayaan la ogeyn sida uu xal ugu noqon karo in la’is hortaago in dhallinyarada ay tahriibaan, waxaana mr Gaafow uu aaminsan yahay in tallaabadan ay yareen karto qulqulka dhallinyarada Soomaaliyeed ee Sudan Tahriib ahaanta uga sii gudbayey.

12-kii bishan doon ay la socdeen in ka badan 500 qof Tahriibayaal ah una badan Soomaali ayaa ku degtay badda u dhaxeysa Masar iyo Talyaaniga waxaana la badbaadiyey oo kaliya 23 qof.

Goobjoog News