U bood dhigaalka

Hay’adda Socdaalka Oo Xafiis Cusub Ka Furatay Degmada Dhoobley, J/hoose

Sheeko:Dalka

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay waxay xafiis laga heli karo baasaboorrada ay ka furatay degmada Dhoobley ee galbeedka gobolka Jubada Hoose.

Xafiiskan ayaa u fududeynaya dadka ku dhaqan degmada Dhoobley iyo nawaaxigeeda inay helaan Baasaboorka dalka.

Maxamed C/laahi Xasan, waa madaxa xafiiska Laanta Socdaalka iyo Jinsiyada faraceeda Dhoobley, wuxuuna sheegay in dadku ay uga maarmi doonaan in magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo ay u doontaan Baasaboorrada.

“Xafiiskan waa mid aan dhowaan hirgelinnay, xafiiskan wuxuu ku shaqo leeyahay bixinta sharciga baasaboorka oo la siinayo qofka Soomaaliga ah ee muwaadinka ah, xafiisna waa midka socdaalka oo laga koontaroollo dhaqdhaqaaqa socdaalka bixid iyo soo gelid, sidoo kale xafiiska waa mid laga koontaroolayo dhaqdhaqaaqa xuduudda” ayuu yiri Maxamed C/laahi.

Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada Dhoobley iyo deegaannada hoos taga ayaa markii hore waxay Baasaboorka usoo doonan jireen magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo iyo kuwo kale oo dalka ah.

Goobjoog News