U bood dhigaalka

Hay’ado Maxalli Ah Oo Laga Mamnuucay Deegaannada Somaliland

Sheeko:Dalka

Wasaaradda qorsheynta ee Somaliland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey illaa 6 Hay’ad maxalli ah, kuwaasi oo laga mamanuucay iney ka shaqeeyaan deegaannada maamulkaasi.

Wasiir ku xigeenka wasaaraddan, Injineer Xuseen Ibraahim Buuni ayaa u sheegay BBC in hay’adahan ay jebiyeen xeer u yaallay NGO-yada ka howlaga Somaliland.

Waxa uu tilmaamay in iyagu ay yihiin dal, islamarkaana hay’ad dal kale uga diiwaansan qaab maxalli ah aanay deegaannadooda ka shaqeyn karin, iyaga oo maxalli kale ah.

“Hay’ad Labo jeer maxalli ma noqoto…sharcigee ayeey jabiyeen oo dalal kale ayeey maxalli ka yihiin hay’adahan, sidaa darteed waan kala noqonnay aqoonsigii”

Wasiir ku xigeenka oo hadlaka sii wata ayaa sheegay in hay’addaha dalalka maxalliga ka ah ay isku diiwaangelin karaan oo kaliya qaab caalami ah.

Lixda hay’ada ee laga mamnuucay Somaliland ayaa ah kuwo hayey shaqooyin aad u muhiim ah.

Goobjoog News