U bood dhigaalka

Hay’ado Soo Dhoweeyay Go’aankii Kenya Uga Laabatay Inay Rarto Qaxootiga Dhadhaab

Sheeko:Dalka

Hay’adaha Gargaarka iyo kuwa Qaxootiga ayaa soo dhaweeyay go’aanka dowladda Kenya ay dib ugu dhigeyso xirista xeryaha Dhadhaab oo Soomaali badan qaxooti ku yihiin.

Hay’adahan ayaa sheegay in ay soo dhowynayaan tallaabadan ayna tahay mid loo baahnaa maadaama Qaxooti badan ay ku nool yihiin Dhadhaab.

Angela Wells oo ah agaaasimaha hay’adda Bariga Africa ayaa sheegtay in dalka Kenya uu qaatay go’aan bini’aadannimo ah.
Bil kahor hay’adda UNHCR ayaa sheegtay 116 kun oo qof oo ka mid ah dadkii deganaa Dhadhaab in ay dib ugu laabteen guryahooda, waliba si iskood ah.

Kenya ayaa horay u go’aansatay in bisha November sanadkaan la xiro xeryaha Dhadhaab, islamarkaana qaxootiga ku jira wixii bishaasi ka dambeeya si awood ah loogu soo raro dalka.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Kenya Joseph Nkaissery ayaa Axadii lasoo dhaafay sheegay in ay dib uga laabteen go’aankii dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee xerada Dhadhaab.

Waxa uu sheegay in ay dhameystireen howlo baaritaan ah oo ay ka dhex wadeen qaxootiga Dhadhaab, kaas oo lasoo afjaray bishii July ee lasoo dhaafay, waxa uu tilmaamay inuu warbixin buuxda ka hayo iyo xog dhameystiran qaxootiga, sidaa darteedna ay waddo fiican ku socdaan.

Goobjoog News