U bood dhigaalka

Heegan Oo Guuldarro Qaraar Ah Dhadhansiisay Dekedda

Sheeko:Cayaaraha

Naadiga Kubadda Kolayga Heegan ayaa talaabo u qaaday hanashada horyaalka kubadda Kolayga 2018-2019 kadib markii ay guul ka gaartay xidigaha Dekedda oo horyaalka kula loolamaysay.

Kulankan oo ka dhacay garoonka Wiish , waxaa usoo daawasho tagay taageerayaasha labada koox iyo masuulyiin iyo qaybha kale duwan oo isboortiga.

Heegan oo horyaalka daafacanaysa ayaa garoonka soo gashay iyadoo doonaysa in ay xajisato hogaankeeda isla markaana ka aargudato Dekedda oo guuldarro awood sheegasho ah gaarsiisay wareegga hore ee horyaalka, halka Dekedda ay kaliya u furnayd in ay guul u hesho si u tiigsato hanashda horyaalka oo ay ugu dambaysay tan 2012 kolkaas oo ay si qurux badan uga qaaday Heegan.

10 Daqiiqo e ugu horaysay Heegan ayaa hogaanka ku qabtay 11 dhibcood oo nadiif ah, waxaase soo kabasho wanaagsan samaysay Dekedda, waxaana qaybta hore lagu kala nastay 27-21.

10-ka Saddaxaad Dekedda ayaa faraqa dhibcaha kala simmantay Heegan, waxayna labada koox noqdeen kuwa aay hogaanka ku kala fogaan, waxaana markii dambe Heegan u suurto gashay in ay ka faa’iidaystaan qaladaad ka dhacay Dekedda sidaasna hogaankadheeeraystaan.

Kooxda kubbadda cagta Kolayga Heegan ayaa sidaasi hogaanka horyaalka ku qabtay 23 dhibcood waxaana kusoo xiga Dekedda oo 18 dhibcood leh, waloow laba kulan ay u harsantahay,halka Heegan ay hal kulan oo kaliya u harsantahay kaasoo ay haddii ay adkaato u dabaaldagi doonto Horyaalka.

Photo Credit-Hussein Hadaafoow