U bood dhigaalka

 Heegan Oo Marti U Ah Kooxda Reer Rwanda Ee Apr FC

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Heegan ayaa kulankeedii 3-aad ee tartanka bariga iyo bartamaha Afrika 2019 ee Group C la balansan xidigaha Apr FC oo ka dhisan Rwanda.


Xidigaha Heegan oo ka socda Soomaaliya ayaa laga filayay natiijo aad u wanaagsan,balse ciyaartooyda qaar ayaa sheegay in goolashii laga dhaliyay ay ahaayeen kuwa iyaga ay ku qaldanaayeen.


06-July 219-Heegan ayaa ciyaartii 1-aad ee tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Afrika la dheeshay xidigaha Green Eagles ee ka dhisan Zambia waxaana kulankaas 2-0 ku badiyay naadiga Green Eagles.“Goolasha naga dhashay kulankaa waxa ay aheyd kuwa daciif ah,balse xaga rabi waxaa inooga qornaa in aan anaga guul daraysano kubbadda cagta waa in aad ka filataa wax kasta” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay goolhaye kooxda Heegan Mustafa Maxamed Yuusuf (Mustaf Nakuja).

08-July 2019-Xidigaha Heegan waxa ay kulankoodii 2-aad ee Cecafa la ciyaareen xidigaha Proline FC oo ay kuwada jireen Group C ka dhisan dalka Uganda waxaa kulankaas Heegan natiijo 2-0 ay guul daro kala kulantay ciyaartooyda Proline FC.


“Ma aanan filanaynin natiijada oo kale dadka oo dhan ayaa inoo mahad celiyay kubbaddii qurxooneed ee aan soo bandhigay,iyagoo u riyaaqay isku xirkeena wanaagsan,balse mararka qaar adaga oo wanaagsan ayaa la kulmaysaa natiijo xumo” waxaa sidaas Goobjoog Sports sidaa u sheegay laacibka Heegan Cabdirisaaq Cali.


Naadiga Heegan ayaa kulankeeda u danbeeya ee tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Afrika 2019 la balansan kooxda ka dhisan dalka Rwanda Apr FC waa ciyaar aad u xiiso badan,inkastoo xidigaha Heegan ay xooga saarayaan in ciyaarta ay badiyaan ka dibna ay kusoo laabtaan caasimada Muqdisho.

Ogeysiiska Kulanka
Tartanka-Cecafa Kigame Club Cp
Kooxaha-Heegan VS Apr FC
Tariikhda-011-07-2019
Maalinta-Khamiis
Saacada:-2:00 pm
Live –Azam TV- Rwanda
Garoonka-Kigali Stadium

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle