U bood dhigaalka

Heritage oo Digtay Dagaal Doorasho, Dalbatana Dhexdhexaadinta Beesha Caalamka

Sheeko:Amniga

Machadka Heritage ayaa qoray faallo la xiriirta kahortagga dagaal doorasho oo dalka ka qarxa iyada oo sheegay in haddii aan la gaarin heshiis deg-deg ah oo ku saabsan sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebtember, ay suurto gal tahay  in dowladda federaalka ay isku daydo in ay qabato doorasho aan loo dhammayn, taas oo ay u badan tahay in ay meelo badan oo dalka ah ka keento dagaallo.

Si loo gaaro, kooxdan waxay soojeeiyeen in la helo dhex-dhexaadin caalami ah oo udhaxaysa labada dhinac. Bulshada caalamka oo ay horkacayaan Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub oo weliba adeegsanaya Golaha Ammaanka waa in ay culayska u badan saaraan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada/mucaaradka si ay u kulmaan maalmaha soo socda ayna dib uga istaagaan albaabka colaadda oo ay siyaasiyiinta Soomaalida garaacayaan. Labada dhinacna ma aysan kulmin ilaa 17-kii Sebtember oo ahayd markii Muqdisho lagu saxiixay heshiiska doorashada.

Hadaba, waxaa ay soojeediyeen:

  • Guddiga Doorashooyinka: Marka koowaad, waxaan soo jeedineynaa in mucaaradku ay si deg deg ah ugu gudbiyaan magacyada ay ku andacoonayaan in ay ka mid yihiin shaqaalaha rayidka, taageerayaasha aan dhex-dhexaadka ahayn iyo iyo saraakiisha amniga, xafiiska ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay (SRSG), oo ah hayadda matasha beesha caalamka. Si uu ugala shaqeeyo DFS sidii loo beddeli lahaa xubnaha aan kalsoonida lagu qabin, iyadoo la raacayo heshiiskii 17-kii Sebtember-na isla markaana lagu beddelo xubno ka mid noqda guddiga doorashada kuwaas oo dhexdhexaad ah laguna kalsoonaan karo.
  • Marka labaad, waxaan ku talineynaa in dhammaan dowlad goboleedyadu ay soo beddelaan xubnihii guddiyada doorashada ee heer federal iyo heer maamul goboleedkooda ee ay soo magacaabeen, ee xilalka ka haya maamulladooda ama aan kalsoonida lagu qabin.
  • Tan seddexaad, waxaan u soo jeedineynaa DFS iyo dhammaan maamul goboleedyadu in ay u soo gudbiyaan Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) ciddii beddeli laheyd xubnahaas aan kalsoonida lagu qabin, si uu ugala shaqeeyo dhinacyada oo dhan si loo hubiyo in xubnaha guddiyada doorashooyinku ay yihiin kuwo ay isla wadar ogol yihiin dhammaan saamilayda. Arrinka Somaliland: Waxa aan ku baaqaynaa in Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Mahdi Gulled- oo ah labada masuul ee ugu sarreeya xubnaha Dowladda Federaalka ku matala Somaliland in ay si wada jir ah u soo magacaabaan guddiga maamulaya doorashada xildhibaannada ka soo jeeda Somaliland. Waxa aynu aaminsan nahay in labada dhinacba ay diyaar u yihiin inay ka mira dhaliyaan arrinkaas sidii ay muujiyeen intii ay socdeen wadahadaladii Garoowe.

Arrimaha Gedo iyo Hiiraan, waxay soojedintooda ku jiray:

Marka hore, waxaan ku talinaynaa in dib-u-heshiisiin laga dhex bilaabo dhinacyada isku khilaafsan Jubbaland iyo Hirshabeelle iyo sidoo kale in dib-u-heshiisiin laga dhex bilaabo beelaha isku khilaafsan ama kacdoonka ka wada goboladda Gedo iyo Hiiraan. Iyada oo la tixgelinayo cufnaanta ama baahsanaanta iyo is-shabahaadda caqabaadka ka taagan goboladaas, ayna si aan la kala saari karin ugu xiran yihiin doorashooyinkii goboladaas iyo awood qaybsiga dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Jubaland iyo weliba cabashooyinka qabaa’ilka qaar ee muddada dheer soo jiitamayey, waxaan soo jeedineynaa in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay la shaqeyso labada dowlad-goboleed si loo bilaabo geeddi-socod dib-u-heshiisiin rasmi ah oo loogu talagalay in si nidaamsan wax looga qabto cabashooyinka ay tabanayaan qabaa’ilka qaar.

  • Tan labaad, waxaan ku baaqaynaa in doorashooyinka labadaas gobol dib loo dhigo muddo kooban si dib-u-heshiisiin degdeg ah oo kooban looga bilaabo deegaanadaas, wadajirna looga shaqeeyo sidii ay ku guuleysan lahaayeen.
  • Tan saddexaad, waxaan soo jeedinaynaa marka horumar laga sameeyo dib-uheshiisiinta deegaanadaas, in ciidamo dhexdhexaad ah oo ka socda AMISOM (oo aan ahayn kuwa ka soo jeeda Kenya iyo Itoobiya) in la geeyo gobol kasta si ay u sugaan amniga magaalooyinka iyo goobaha lagu qabanayo doorashada.
  • Tan afraad, iyadoo la’ogyahay sida xaaladdu ay gacanta oga bixi karto mar kasta, waxaan soo jeedinaynaa in kooxda khubarada doorashooyinka ee Qaramada Midoobay loo xilsaaro abaabulka doorashooyinka gobolladaas iyagoo la kaashanaya hay’adda maamulka doorashada ee dowlad-goboleedyadaas.

Goobjoog News