U bood dhigaalka

Heritage Oo Soo Dhaweeyay Qodobadii Kasoo Baxay Shirka Madasha Wadatashiga Ee Lagu Qabtay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Hay’adda Cilmi Baarista Heritage ayaa sheegtay in qodobada ka soo baxay shirkii madasha wada tashiga ahaa ee Muqdishu lagu soo gaba gabeeyay ay tahay talaabo wanaagsan oo lagu farxi karo

Agaasimaha Heritage C/rashiid Khaliif oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay qodobadii lasoo saaray qaarkood ay is waafaqeen aragti uu sheegay in dhawaan ay uruuriyeen, taasi oo ku aadan nooca doorasho ee dalka ka dhici karta.

Waxa uu sheegay in shacabka ay aad u diidanaayeen in waqti loogu daro dowladda hadda jirta, shirkana laga cadeeyay in taasi aysan marnaba dhicin, sidoo kalena arrimaha deegaanka sidoo kale laga wajahay qaab iyaguna ay aragtida ku uruuriyeen.

“Qodobada soo baxay waa kuwo u dhaw fikradii annagu kasoo uruurinay Soomaalida oo aynu soo bandhignay Isniintii, waxaa ka mid ahaa inaan waqtiga dowladaan iyo baarlamaankaan lagu darin, shacabka taasna weyba kasoo horjeedeen, shacabkuna sidoo kale 51 % habka beelaha, Odayaasha iyo qeybahihii kala duwan ee beesha lagu daro sidii sanadkii hore laga guuro wey sheegeen, deegaanada qaar wey sheegeen inay rabaan in deegaan lagu saleeyo waa la sheegay, waxaad moodaa Labadiiba wey isku dhafeen, mar hadii aysan dhici karin doorasho Hal qof iyo Hal cod ah, beel kasto oo Soomaali ah hadda waxay haysato in wax loogu daro maahee wax laga dhimo ma aqbalayso, cidii deegaan badan iyana doorashaa lagu kala ogaan doonaa, hadda waxaa dhici karta in la yiri aqalka hoose beelo halagu soo xulo, kan sarena halagu soo xulo qaab gobal in lagu hesjiiyay baad moodaa, marka go’aamadaan waxay ila yihiin kuwo macquul ah” ayuu yiri Agaasimaha.

Shalay oo Arbaco ahayd ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka madasha wadatashiga qaran, kaasi oo qodobo dhowr ah oo ku aadan hanaanka doorasho ay kasoo baxday.

Goobjoog News