U bood dhigaalka

Heritage: Xukuumadda Waxaa ay soo Faragashatay Shaqadii Hay’adda Sharci-dejinta

Sheeko:Baarlamaanka

Mursal Maxamud Saney oo ah agaasime ku-xigeenka xarunta Heritage oo wareysi gaar ah siiyay goobjoog News ayaa sheegay in Mooshinka socda uusan aheyn mid hal habeen dhashay balse uu yahay mid waqti badan laga soo shaqeynayey.

Agaasime ku-xigeenka xarunta Heritage oo arrintan ka hadlayey waxaa uu yiri“ Mooshinkan habeenkii Lix saac soo baxay oo subixii lagu waabereystay ma uusan aheyn Mooshin habeenkaas dhashay ee waxa uu ahaa mid horay looga soo shaqeeyay, waxaan is leennahay in uusan aheyn baarlamaanka dhexdiisa oo is heysta balse waxa ay tahay xukuumadda iyo baarlamaanka oo is heysta.”

Dhinaca kale Mursal Zaney oo sii hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in xukuumadda ay faraha la soo gashay shaqadii loo igmaday hay’adda sharci-dejinta ee golaha shacabka, dadka mooshinka saxiixay ayaa  kala bar ah  golaha wasiirrada, “Xukuumadda waxa ay soo faro-gashatay shaqadii hay’adda sharci dejinta ee golaha shacabka, sida aan isleenahay, sida aan ka warqabno oo dad xog-ogaal ah ay noo sheegeen mooshinka dadka saxiixay kala bar waa golihii wasiirada, marka waxaa muuqata in golihii wasiirada ay soo abaareen Baarlamaankii sababtana in iyaga la weydiiyo ayaa qabnaa” .

Goobjoog News