U bood dhigaalka

Heshiis: Djibouti oo Galmudug Ka Caawineysa Dhismaya Dekadda Hobyo

Sheeko:Dalka

Wararkii ugu dambeeyey ee safarka madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uu ku joogo dalka Djibouti ayaa sheegaya in maamulkiisa uu heshiis la gaaray madaxa shirkadda Djibouti Ports and Free Zones authority.

Madaxweyne Qoorqoor oo shir gaar ah la qaaday madaxa shirkadda  Abuubakar Cumar Haadi ayaa waxaa ay ku heshiiyeen in Djibouti ay Galmudug ka caawiso barnaamijyo ay ku jiraan arrimaha farsamo iyo qalad ee dhismaha dekadda Hobyo.

Dekadda Hobyo ayaa dhowr jeer la dhagax dhigay laga soo bilaabyo February 9, 2016-kii oo ay dhagax dhigeen madaxweyne Guuleed iyo wasiirkii arrimaha dibadda ee xiligaas Cabdiraxmaan Odowaa.

Labo sano kadib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale dhagax-dhigay dekadda kadib socdaal uu ku tagay gobollada dhexe, waxaana xigay in beelaha deegaanka ay balanqaad sameeyeen intaba lama fulin.

Goobjoog News