U bood dhigaalka

Heshiis Horudhac Ah Oo Laga Gaaray Xiisad Ka Jirtay Duleedka Gaalkacyo, Mudug

Sheeko:Dalka

Shir lagu xallinayo khilaafka dhaliyay xiisadda dagaal ee ka taagan maalmahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug dhankeeda galbeed ayaa maanta ka furmay magaaladaasi.

Odayaal iyo waxgarad ka kala socda labada malleeshiyo ayaa shirka ka wada qeyb galay kuwaas oo halkaa ku soo bandhigay waxyaabaha ay kala tabanayaan.

Nabadoonnada madasha shirka magaalada Gaalkacyo ka hadlay ayaa ku dheeraaday in xilligaan laga wacan yahay dagaal uu dhiig ku daato iyo dadka shacabka ah ay colaad aawadeed u barakacaan.

Gebagebadii shirka ayaa laga soo saaray dhowr qodob oo la sheegay in lagu heshiiyay kuwaas oo loo xil saaray guddi ka kooban odayaal labada dhinac ah oo ka shaqeeya dardargelinta qodobada lagu heshiiyay.

Qodobada la isku afgartay oo odayaasha labada dhinac ay kala saxiixdeen waxaa kamid ah:-

  • In galabta la kala qaado labada maleeshiyo beeleed ee isku horfadhiya duleedka Gaalkacyo.
  • In la dardargeliyo wada hadallada islamarkaana wada hadal lagu dhammeeyo wax walba oo khilaafa oo hadda jira.

Shirkaan maanta ka furmay magaalada Gaalkacyo ayaa imaanaya iyadoo todobaadkaan billowdiisa ay xiisad colaadeed ka soo cusboonaatay dhanka galbeed ee magaalada oo illaa iminka ay isku horfadhiyaan labo malleeshiyo.

Goobjoog News