U bood dhigaalka

Heshiis Ka Kooban Dhowr Qodob Oo Laga Gaaray Xiisadda Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Kulan maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ay isugu yimaadeen culumada iyo waxgaradka wada deggan magaaladaasi ayaa heshiis looga gaaray dagaallo dhanka galbeed ee Gaalkacyo seddex maalin ka socda.

Labada dhinac ayaa ka wada xaajooday sidii dagaallada looga gaari lahaa  xal buuxa maadaama ay saameyn ku yeesheen adeegyadii bulshada ee magaalada qaarkood.

Heshiis ka kooban seddex qodob ayay odayaasha Galmudug iyo Puntland ay gaareen kaasoo lagu kala qaadayo labada dhinac ciidankooda oo isku horfadhiyo galbeedka magaalada Gaalkacyo.

  • In Dagaalka La Joojiyo
  • In Ciidanka la kala qaado
  • In la furo wada hadal sax ah

“Xaaladda magaalada Gaalkacyo waa deggan tahay, waxaana ka wada shaqeynaynaa sidii nabad loo heli lahaa waxaan leenahay qof walba howshiisa ka qabsado, aad waxbarashadiina iyo shaqadiisa, waxaana kala qaadeynaa ciidanka sida ugu dhaqsiyaha ah” ayay yiraahdeen odayaasha dhaqanka.

Xaaladda duleedka magaalada Gaalkacyo ayaa yara deggan waxaana laga maqlayaa dhanka galbeed rasaas goos goos ah oo ay isku adeegsanayaan labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland.

Dadaallo lagu doonayo sidii loo joojin lahaa colaadda ka soo cusboonaatay galbeedka magaalada Gaalkacyo ayaa ka soconaya magaaladaasi.

Goobjoog News