U bood dhigaalka

Heshiis Kama Dambeys Ah Oo La Kala Dhex Dhigayo Beello Ku Dagaallamay B/weyne

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in heshiis kama dambeysa ah ay wada gaaraan beello walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi.

Xoghayaha guud ee gobolka Hiiraan Salaad Xasan Cabdi oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in maamulkooda iyo waxgaradka ay dedaal badan ku bixiyeen sidii loo heshiisiin lahaa beelahan.

Waxa uu tilmaamay xoghayaha in muddo Labo Todobaad ah ay fidsan tahay gogosha heshiisiinta beelahan, islamarkaana ay ku dadaali doonaan in mar kale aaney Labadan beel dagaallamin.

“Annaga rajo aad u wanaagsan baan ka qabnaa ineysan dagaallamin Labadan beel, waxa ay hadda gogosha u fidsan tahay ayaaba sidaasi ah, sidaasi darteed waxaan rabnaa annaga iyo waxgaradka gobolka inaan soo afjarno colaaddan” ayuu yiri xoghayaha maamulka gobolka Hiiraan.

Beelahan lagu heshiisiinayo magaalada B/weyne waxay marar badan ku dagaallameen magaaladaasi, iyadoo mar walbo oo la heshiisiiyana ay burinayeen heshiiskooda.

Goobjoog News