U bood dhigaalka

Maxaa Laga Dhahay Kullamada Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Brig. Gen. Paul Lokech oo madax ka ah ciidamada Uganda oo kulan la qaatay guddoonka golaha shacabka iyo xildhibaanno ka tirsan golaha  ayaa sheegay in isku afgarteen in kullamada golaha shacabka la istaajiyo ilaa waqti dambe.

Dhinaca kale, Brig. Gen. Paul Lokech waxaa uu ka hadlay 3 arrin oo uu hordhigay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

3-daas ayuu ku sheegay:

1. Golahan iyo xukuumadda inay ku heshiiyaan In AMISOM la wareegto maamulka iyo amniga xarunta golaha shacabka Ilaa xaaladda ka degto

2. Haddii taasi ay fashilanto, waxaan raadi-doonnaa goob dhex-dhexaad ah.

3. In uu Ciidamadiisa kala baxo, oo iska kiin dhex-baxo oo Soomaalida dhexdeeda ka heshiiyaan waxa ay isku heystaan.

Waxaa uu sidoo kale, dhiiri-geliyay in ay wada hadlaan dhinacyada khilaafka khuseeyo ee sharci-dejinta iyo xukuumadda federaalka ah.

Ugu dambeyntii, Brig. Gen. Paul Lokech  waxaa uu sheegay in dhambaalka uu u geyn-doono fulinta in la  joojiyay kullamada golaha shacabka inta xal laga gaarayo.

Goobjoog News