U bood dhigaalka

Heshiis Laga Gaaray Arrimaha Shahaadada Ee Ardeyda Puntland

Sheeko:Waxbarashada

Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay dowlad gobaleed Puntland oo maanta Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay xal laga gaaray khilaafkii dhanka waxbarasada dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedka Puntland.

Xildhibaannada ayaa xusay in madaxda sare ee dalka ay la kulmeyn kalana hadleen sidii xal loogu heli lahaa khilaafka muddooyinkan dambe ka dhex jiray wasaaradaha waxbarashada dowladda federaalka iyo Puntland. Xildhibaan Maxamed Axmed Runsheeg oo ka mid ahaa xildhibaannadii ku jiray waanwaanta laga dhexwaday labada dhinac ayaa sheegay in madaxda dalka ay u sheegeen in ardayda ay helayaan Shahaadadooda.

“Maadaama aan balan qaaday inaan madaxda u tageynno, madaxdii qaranka waan u tagnay waxaana kala kulanay waji furan iyo turuunshiyo ay u hayaan arday Soomaalliyeed, waxaana ay noo xaqiijiyeen in ardayda ay helayaan Shahaadadooda, wixii farsamo ahna ay isla qabanyaan wasaarada qaranka iyo midda Puntland”.ayuu yiri xildhibaanku.

Xildhibaanka oo hadalkiisa siiwato ayaa uga mahad celiyey madaxda qaranka iyo kuwa dowlad gobaleedka Puntlnd sida ay u aqbaleen wadahadaladii ay ka dhex wadeen labada dhinac. “Waxaan leeyahay wixii rag u kaco waa rumoobaan oo Rabi aqbalo, waxaan rabaa inaan u mahad celiyo madaxda qaran iyo madaxweynaha Puntland oo isaguna muujiyey baahida ardaydu qabaan go’aanna ku gaaray in arday Shahaadadooda helaan iyaga oo aan dhibtoonin”.

Dhanka kale Senator Siciido Xasan oo ka mid aheyd xubnihii warbaahinta la hadlay ayaa sheegtay in dadaal badan lagu bixiyey sidii loo dhameyn lahaa khilaafkii ka taagnaa arrinta waxbarashada, madaxda dalkana ay kala hadleen sidiii loo dhameyn lahaa, waxaana ay intaas ku dartay in madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uuu balan qaaday in ardayda lasiin doono Shahaadada.

Ugu dambeyn hadalka maanta ka soo yeeray xildhibaannada labada gole ee baarlabaanka ee laga soo doorto Punland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa aydoo dhawaan la filayo in wasaaradda waxbarashada ay qaado imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiyada kaas oo horay labada dhinac hanaanka loo qaadayo ay isku khilaafeen.

Goobjoog News