U bood dhigaalka

Heshiis Laga Gaaray Hanaanka Loo Soo Magacaabayo Wasiirada Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle iyo Xildhibaanno ka tirsan Maamulkaasi ayaa heshiis ka gaaray hanaanka loo soo dhisayo Xukuumada Cusub ee Hirshabelle.

Kulan habeenkii xalay ahaa ka dhacay magaalada Jowhar, una dhaxeeyay madaxweynaha maamulka Hirshabelle, ku xigeenkiisa, guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi ayaa lagu lafa guray qaabka uu madaxweyne Waare usoo magacaabayo wasiiradiisa.

Waxaa la isla gartay dood dheer kadib in fursad la siiyo madaxweyne Waare, waxaana la aqbalay in wasiirada banaanka laga keeno, si shaqada Hirshabelle ay u socoto.

Sidoo kale madaxweyne Waare ayaa u sheegay xildhibaannada Hirshabelle in cid aan iyaga soo marin uusan wasiir ka dhigi doonin, si loo helo wasiiro iyo xildhibaanno wadashaqeyn buuxda ka dhaxeysa.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa muran xooggan ka jiray sida uu madaxweynaha maamulka Hirshabelle usoo magacaabi lahaa golahiisa wasiirada.

Goobjoog News