U bood dhigaalka

Heshiis Taariikhi Ah: Baarlamaanka Federaalka Ah 2-badiisa Aqal Oo Soo Afjaray Wada Shaqeyn La’aan 6 Bil

Sheeko:Dalka

Kadib dhex-dhexaadin uu muddo socotay, ugu dambeyntii waxaa xalay heshiis taariikhi ah ku gaaray Muqdisho labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah oo muddo 6 bil aanu ka dhaxeyn wax wada shaqeyn ah. Waxaa arrintan si gaar ah mas’uuliyad isaga saaray guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee aqalka sare Abshir Axmed Maxamed iyo  dhiggiisa aqalka hoose Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ .

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo ugu horeyntii ka hadlay ayaa sheegay iney ka heshiiyeen wixii jiray isaga oo yiri “ Waxaan go’aansanay in wadashaqeyntii labada aqal ay bilaabato,  oo wixii qaladaad ahaa ee jiray la saxo, shaqadii baarlamaankuna ay bilaabto oo aan dalka u shaqeyno”.

Dhankiisa, guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay iney tahay arrin taariikhi ah, maadaama khilaafkii la xaliyey “Waxaa noo yaalo dastuur, waxaa noo yaalo sharciga doorashooyinka, shacabka Soomaaliyeed waxaa u sheegeynaa in laga bilaabyo caawa ay labada ay wada shaqeyn-doonaan, lana sameeyo si degdeg xeer hoosaad ay labada aqal leeyihiin”.

Goobjoog News