U bood dhigaalka

Heshiiska Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland

Sheeko:Dalka

Heshiiskan oo ay Goobjoog News heshay nuqul ka mid ah waxaa ku qoran ilaa 10 qodob oo ay ku heshiiyeen dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Puntland kadib wada hadal socday March 26-3 April 2016-ka.

Qodobada Heshiiska Dowladda iyo Puntland:

Dastuurka:

Dastuurka waa heshiis qaran oo loo isticmaalayo siyaasadda, arrimaha bulshada, dib u heshiisiinta iyo awood qeybisga,  in wixii wax ka badal ah la raaco sidii lagu heshiiyay June 2012-ka.

Heshiiska waxaa ku qoran in Puntland ay aqoonsan tahay dastuurka KMG ah ee lagu saxiixay  Nairobi 22-kii  2012, laguna meelmariyay Muqdisho  1 August 2012-ka.

Maamulka Puntland waxaa la sheegayaa in aanu aqoonsaneen isbadallada lagu sameeyay dastuurka KMG ah laba bilaabo August 12, 2012-kii, iyadoo lagu heshiiyay in khubaro loo saaro arrimahaas wax ka qabta.

Waxaa kaloo heshiiskan ku qoran in Puntland aanay aqoonsaneen guddiyada madaxa banaan ee la sameeyay iyada oo aan lagala tashan Puntland, waxaa labada dhinac ay ku heshiiyeen in dib u eegis lagu sameeyo guddiyadaas.

Waxaa kaloo heshiiska ka mid ah in Baarlamaanka hadda jira aanu wax ka bedali karin qodobada ku saabsan qeybsiga kheyraadka ee ku jira dastuurka KMG ah, arrintaasina ayey tahay in ay ka wada hadlaan dowladda iyo maamul goboleedyada.

Maqaamka Muqdisho:

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland waxaa ay isla af-garteen in laga heshiiyo in la caddeeyo halka ay tahay Caasimadda dalka iyo Maqaamka ay yeelaneyso iyo in xitaa caasimadda ay yeelato astaan shakhsiyadeed iyo maqaam gaar ah oo  dadka oo dhan ka dhaxesyo.

Aqalka Hoose:

Heshiiska waxaa ku qoran in Puntland ay dooran doonto xildhibaannadeeda u matalaya baarlamaanka federaalka ah, in halkii Xildhibaan ay dooran doonaan ilaa 50 ergo ah, Halkii Xildhibaan waxaa u tartami doona 5 xubnood oo midkood ay qasab tahay in ay haween noqoto iyo in Madaxweynaha Puntland uu saxiixi doono Xildhibaannada Puntland u matali doono baarlamaanka federaalka ah.

Aqalka Sare:

Heshiiska waxaa ka mid ah in Aqalka sare uu ka horeeyo aqalka hoose,  in Puntland xukuumaddeeda ay soo jeediso xubnaha Puntland u matalaya aqalka sare ee dalka iyadoo ay soo xuli doonaan xubnahaas baarlamaanka Puntland iyo sidoo kale in dadka matalaadda aqalka sare lagu doorto caasimadaha maamul goboleedyada dalka iyo in madaxweynaha Puntland uu saxiixo dadka Puntland u matali doono aqalka sare

In la qeybsado Jagooyinka Qaran:

Heshiiska waxaa ku qoran in Puntland iyo dowladda isku afgarteen in si cadaalad ah loo qeybiyo xilalka dowladda dhexe sida hogaanka  ciidanka, agaasimeyaasha, madaxda hey’adaha qaran ama kuwa madax banaan, diblomaasiyiinta, gudiga shaqaalaha dowladda, magacaabidda guddiyada madaxa banaan iyo xitaa in goobaha ay ku shaqeenayaan dalka loo qeybiyo Puntlanna qeybteeda la siiyo.

Roadmap-ka 2020:

Heshiiska waxaa ka mid ah in dalka ay doorasho guud oo qof iyo codkii ah ka dhacdo sanadka 2020-ka, hadiise la waayo waxaa lagu heshiiyay in la qaban doono doorasho deegaan oo ku saleysan 18-kii gobol ee 1991-kii iyo 92-dii degmo ee hore, waxaa meesha laga saaray in 4.5 aan dib dambe loo maqal iyadoo arrintaas marqaati looga dhigay hey’adaha kala ah IGAD, UN, Midowga Afrika, AU iyo Saxiibada Soomaaliya.

Heshiisyada iyo deeqaha:

Puntland  waxay xaq u leedahay in ay gasho heshiisyo horumarineed, Waxaa lagu heshiisyay in Puntland mucaawinooyinka iyo gargaarka loo soo mariyo Soomaaliya, wax kasta oo horumarin ah oo Puntland laga fulinaya in ay la qabto dhammaan Soomaaliya iyo in Puntland ay wax ka soo gaaraan lacagaha laga helo hawada Soomaaliya.

Dimoqoraadiyadda Puntland:

Waxaa lagu heshiiyay in la taageero dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaan sidii loo horumarin lahaa habka dimoqoraadiyadda maamulka Puntland.

Arrimaha Difaaca:

Difaac ahaan waxaa Puntland la siin doonaa qeybteeda ku aadan hor umarinta iyo dib u dhiska ciidamo qaran, waxaa Puntland la siin doono taageero dhaqaale oo Mlitari, in Puntland hesho kaalinteeda maaliyadeed ee ku aadan lacagaha lagu bixiyo howlada amaanka iyo hey’adaha nabad sugidda kuwaas oo ay bixiyaan beesha caalamka, waxaa kaloo lagu heshiiyay in ciidamada qaranka ay noqdoonaan kuwa ay ka muuqato qarannimo oo cid walba iska dhex aragto.

Waxaa lagu heshiiyay in ciidamo qaran la sameeyo oo hal astaan qaran ay yeeshaan, In Puntland  lacag iyo gacan farsamo lagu siiyo, loona tixgaliyo dagaalka ay kula jirto argigixisada, Burcad badeedda iyo kaluumeysiga sharci darrada ah.

Hirgelinta Heshiiska:

Heshiiskan Dowladda Soomaaliya iyo Puntland waxaa damaanadiisa la saaray hey’adaha kala ah IGAD, UN, Midowga Afrika, AU iyo Saxiibada Soomaaliya.

Qoraalka Heshiiskan waa mid u gaar ah Goobjoog News, fasax la’aan lama qaadan karo

Goobjoog News