U bood dhigaalka

Heshiiska Ra’isul Wasaaraha Iyo Golaha Shacabka Kadib, Qodobo Mugdi Ku Jiro Ee Habdhiska Amniga Qaranka

Sheeko:Baarlamaanka

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre oo ka duulaya cabasho ay soo gudbiyeen guddiga difaaca ee golaha shacabka ee ku aadan heshiiska “Habdhiska Amniga Qaranka ayaa kulan gaar ah Villa Hargeisa kula qaatay  guddiyada difaaca iyo amniga oo ay wehliyeen guddoonka golaha shacabka waxaa uu kala hadlay cabashada ay ka qabeen qorshaha hab-dhismeedka ee amniga qaranka.

In kasta oo ra’iisul wasaare Khayre sida muuqata uu qanciyay golaha shacabka, qoraal-ka dib u eegistana la marsiiyay golaha, hadana waxaa jira qodobo weli uu mugdi ku jiro oo xukuumadda laga doonayo in ay ka jawaabto.

Is Aragga Ra’isul Wasaaraha Iyo Golaha Shacabka Ma Jireen Qodobo Dib U Eegis Lagu Sameeyay:

  1. Heshiiska madaxda qaranka ee “Habdhiska Amniga Qaranka” , ciidamada xoogga dalka waxaa uu ka koobnaa 3 qeyb oo kala ahaa: Dhulka, Badda, Cirka, guddiga golaha shacabka waxaa ay ku dareen ciidanka difaaca cirka.
  2. Waxaa qoraalka golaha shacabka lagu sheegay in booliiska uu ka koobnaado:
  3. Booliis federal ah, Daraawiish, ilaalada cashuuraha, ilaalada diblomaasiyiinta, CID iyo ilaalada xeebaha.
  4. Qodobada ay madaxda ku heshiiyeen oo ka koobnaa 28, dib u eegista kadib waxaa lagu soo koobay 24 qodob.

Isbar-bardhigga Labada Qoraal Ee Madaxda Iyo Midka Guddiga Golaha Shacabka:

Si aan u ogaano dib u eegista ay sheegayaan in ay sameeyeen labada guddi ee difaaca iyo amniga ee golaha shacabka Soomaaliyeed, waxaan isbar-bardhig ku sameysay qodobadii ku qornaa qorshaha “Habdhiska Amniga Qaranka” ee madaxda ku heshiiyeen 15 & 16 April iyo dib u eegista guddiga golaha shacabka ay soo saareen 24-kii April 2017.

Tirada Ciidamada:

Tirada ciidamada xoogga dalka ee 18 kun ee heshiiska “Habdhiska Amniga Qaranka”, waxba iskama badalin, halka tababarka ka dhacayo sidoo kale, wasaaradda gashaandhigga in ay hoos tagaan labada dhinacba waa isku waafaqeen, Booliiska tirsadiisa ee 32 kun waa halkeedii.

Qeybinta iyo Qeybaha Soo Hoosgalaya:

Heshiiska madaxda waxaa ku qornaa in Sectors-ka ciidamada qalabka sida lagu jaan-goyn doono xuduudaha maamul goboleedyada, guddiga golaha shacabka waxaa ay soo kordhiyeen oo keliya in dhismaha wasaaradda iyo taliyeyaasha loo daayo, waxaa kaloo ay isku waafaqeen in ciidamada hadda jira ay saldhig u noqdaan ciiadanka xoogga iyo booliiska, in askarta buuxin weyso shuruudda ay u baahan yihiin hubkadhigis iyo jiheyn iyo muhiimadda guddiga qaran ee isku dhafka ciidamada.

Amarka iyo Kala Dambeynta:

Madaxda iyo guddiya golaha shacabka waxaa ay isla qireen in madaxweynaha uu yahay taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, in madaxweyneyaasha federaalka iyo kuwa  gobollada, wasiirro iyo madaxweynayaasha gobollada ku jiraan golaha amniga qaranka, in golahan dejiyo istaraattijiyadda amni,  booliiska federaalkana uu wasaaradda hoos tago kan maamul goboleedkana wasaaradaha khuseeya iyo in taliyaha CXD oo la tashanaya wasiirka gashaandhigga uu magacaabayo taliyaasha qeybaha iyada oo haddii maamul goboleedka uu ka walaacana uu madaxweynaha maamulkaasi u soo gudbin doono taliyaha xoogga dalka.

Guddiga waxaa ay wax ku dareen oo keliya in khatarta amniga  dibadda uu go’aan ka qaadanayo madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah halka khatarta amniga gudahana ay go’aaminayaa golaha amniga, waxaa kaloo ku taliyeen in Sharciyada guddiyada in la horkeeno golaha shacabka.

Daboolka Baahida Dhaqaale Ee Dalka:

Guddiyada golaha shacabka wax hadal ah kama keenin in mushaarka ciidamada ay bixineyso dowladda, in deeqaha beesha caalamka si cadaalad ah loo qeybsado, caawinta booliiska federaalka ah, in hab maaliyadeed lagu dhiso hab maamul maaliyadeed oo hufan, in miisaaniyadda daboosho baahida ciidanka iyo in heshiisyada waafaqsanaadaan dastuurka, qodobka keliya ee golaha shacabka uu ku daray waa in heshiisyada dowladda iyo maamul goboleedyada la hor-keeno golaha.

Hadaba, Waxaa Jira Qodobo Weli Mugdi Ku Jira:

Madashii Uu Soo Noqotay:

In kasta oo golayaasha fulinta iyo sharci dejinta iska indho-tireen kulanka madaxda qaranka iyo maamul goboleedka, hadana weli lama qeexin magaca iyo qaabka uu yeelanayo shirarka madaxda qaranka iyo maamul goboleedka, heshiiskii dhacay waxaa ka dhex muuqday in dowladda federaalka ah ay wax badan ka tanaasushay awoodaha qaran, isla markaana ka bad-badisay kaalinta madaxda maamul goboleedyada.

Awoodaha Maamul Goboleedka:

Weli waxaa uu mugdi ku jiraa awoodaha dowlad goboleedyada, waxaa ay ku jiraan guddiga amniga qaran, waxaa ay leeyihiin ciidamo u gaar ah, waxaa ay sidoo kale iska badali karaan taliyaha qeybta haddii uu ka hor yimaado rabitaanka madaxweynaha maamulka goboleedka.

Wada Shaqeyn Noocee Ah:

Waxaa la sheegay in ay xukuumadda federaalka ah iyo maamul goboleedyada ay tahay in ay wada shaqeeyaan, weli lama qeexin waxaa ay tahay wada shaqeynta, halka ay ku eg tahay kaalinta iyo awoodda maamul goboleedyada…..heshiisyo ayey galaan, saldhigyo ayey ogolaadaan…..dowladda runta ayey qarisay, golaha shacabkana kama hadalsiin.

Kaalinta Beesha Caalamka:

Ra’isul Wasaare Khayre waxaa uu golaha shacabka u sheegay in sababta ciidamada 18 kun looga dhigay ay ka dambeysay ballan-qaadyada iyo kaalmada beesha caalamka, hadaba waa is khilaafsan kaalinta laga filayo caalamka iyo qodobka sheegaya in dowladda ay dabooli doono mishaarka iyo baahida ciidamada qalabka sida.

Dhaqaalaha Ciidanka Kale:

Dowladda waxaa ay sheegtay in beesha caalamka ogolaatay maalgelinta 18 kun oo ciidanka xoogga dalka ah, waxaa intaa dheer in ay jiri doonaan ciidamo badda, cirka iyo difaaca cirka ah…kuwaas halkee dhaqaale looga keenayaa?

18 Kun Halkee Joogayaan:

Wasiirka koowaad waxaa uu guddiga u sheegay in ciidamada xoogga ay noqon doonaan kuwa isku dhafan, dheelitiran isla markaana ka wada howlgali doonaan dhammaan geyiga jamhuuriyadda federaalka ah, halkaas waa mid fiican, laakin jawaabta laga sugayey waxaa ay aheyd 18 kun sidee loo qeybsanaa? Maamul goboleed kasta imisa ciidan ayuu yeelan, xiriirka taliyaasha ciidanka iyo maamul goboleedka kaalinta ay ku leeyihiin?

Isku Dhafka Ciidanka:

Weli waxaa su’aal ka taagan tahay isku dhafka ciidamada, golaha shacabka waxaa laga sugayey in ay xukuumadda ku cadaadiyaan in la baabi’iyo ciidamo beeleedka oo ciidamo qaran la dhiso, sidee ciidamo beelo la iskugu dhafaa.

Taliyaasha Ciidamada iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada

Waxaa mugdi ku jiraa awoodda taliyaasha iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada yaa sareeya, tusaale ahaa waxaa la sheegayaa in ciidamada qalabka sida ay ka amar qaataan taliyaasha oo aaney hoos tagin maamulka waa arrin fiican, laakin waxaa xusid mudan in madaxweynayaasha maamullada ay ku jiraan golaha amniga kaas oo xubno farsamo ay ka yihiin taliyaasha ciidamada, waxaa kaloo la qoray in madaxweynaha gobolka uu iska ceyrin karo taliyihii uu fahmi waayo….!!

Arrimhaas iyo kuwa kale waxaa ku jira mugdi, ra’isul wasaare Xasan Khayre waa in uu la fariistaa warbaahinta kana jawaabayaa dhammaan heshiisyadaas.

Khatarta Gudaha:

Heshiiska waxaa ku jira in khatarta amniga gudahana ay go’aaminayaa golaha amniga oo ay ku jiraan madaxweynayaasha maamul goboleedyada, halkan kuma caddda haddii aay caasiyowdo ama gadooddo mid ka mid ah dowlad goboleedyada, maxaa laga yeelayaa?

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

Goobjoog News