U bood dhigaalka

Heshiiskii Galmudug Iyo Ahlu-sunna Oo La Filayo In Lagu Dhammeystiro Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Sida qorshaha yahay, maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud lagu dhammeystiro heshiiskii Ahlu-sunna Waljameeca iyo maamulka Galmudug.

Waxaa degmada Dhuusamareeb ku sugan madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada Hirshabelle, K/galbeed iyo sidoo kale Puntland.

Heshiiskan waxaa qalinka ku wada duugi doona madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo madaxa wasiirada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.

Degmada Dhuusamareeb ayaa laga dareemayaa u diyaar garowga loogu jiro heshiiskan, iyadoo ammaanka magaaladaasina aad loo adkeeyay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News