U bood dhigaalka

Heshiiskii Maalgashiga Dekedda Berbera ee DP World oo La Horgeeyay Baarlamaanka Somaliland

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta baarlamaanka Somaliland u gudbiyay heshiiska ay xukuumaddiisu la gashay shirkadda DP World ee maalgashiga dekedda Berbera.

Heshiiskan  oo ay golaha horgeeyeen wasiirrada arrimaha dibadda iyo madaxtooyada ayaa halkaasi waxa ka hor akhriyeen heshiiska oo faahfaahsan, iyagoo golaha usoo bandhigay baahida ballaaran ee loo qabo ansixinta heshiiska.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa golaha u soo jeediyay warqad uu soo qoray madaxweyne Siilaanyo;

“Mudanayaa waa markii ugu horreysay ee xukuumadda Somaliland intii golahani uu jiray la keeno heshiis, heshiiskaas oo ay xukuumaddu la gashay shirkadda reer Emarat ee DP World, heshiiskan la keenay golahan waa heshiis hordhac ah, waa is faham, fursad baa la siindoonaa uu goluhu kaga bagtaan”.

Dhanka kale, wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland oo ah afhayeenka xukuumadda Somaliland ayaa isna waxa uu sheegay in heshiiskaas oo la hormariyo ay guul u tahay guud ahaan Somaliland isagoo sheegay in horumar laga gaari karo haddi heshiiskaas uu meelmaro dhinacyada dhaqaalaha iyo shaqo abuurka; ” Waxaanu ka rabnaa iney u hiiliyaan, oo ay u dagaalamaan shaqo la’aanta dhalinyarada Somaliland, mashaariicda waaweyn ee dalka”; waxa uu yiri waxaan ka dooneynaa baarlamaanka iney gacantaag ku ansixiyaan heshiiska qarankana ay u hiilliyaan.

Xildhibaanada baarlamaanka oo saxaafadda la hadlay ayaa ku kala argati duwanaa ansixinta heshiiskan, iyadoo qaarkood ay sheegeen iney heshiiska taageerasan yihiin, halka kuwo kalena ay tilmaameen iney ka soo horjeedaan in dekedda loo gacan galiyo shirkad shisheeye ah.

Goobjoog News