U bood dhigaalka

Heshiisyo Ay Kala Saxiixdeen Dalalka Soomaaliya iyo Suudaan

Sheeko:Dalka

Madaxweyne Farmaajo oo haatan ku sugan dalka Suudaan ayaa la sheegayaa in isaga iyo wafdigiisa ay heshiisyo kala duwan la gaareen dalka Suudaan.

Heshiisyada ay isla garteen Labada Dal ayaa waxaa kamid ah :-

  • waxay isla garteen labada Madaxweyne muhiimadda ay leedahay in la helo Iskaashi dhaqaale oo dhex mara dowladdaha geeska Africa, Mustaqbalka dhowna lagu dhawaaqo midow Ganacsi oo ay ku midaysanyihiin dowladdaha geeska africa.
  • Waxay isla garteen labada dhinac in la iska kaashado dhinacyadda Beeraha, Waxbarashada, Ganacsiga xoolaha, Baasaboorka, Safaradda iyo Duulimaadka shacabka.
  • In la sameeyo Guddi Siyaasadeed ee Wasaaraddaha arrimaha dibadda labada dhinac si loo dardar galiyo xariirka dhabaha cusub loo xaaray ee Somalia iyo Sudan ka dhaxeeya.

Hishiisyadan ay wada gaareen Madaxda Wadamada Soomaaliya iyo Suudaan ayaa u daneeynayo labada shacab ee Walaalaha ah, waxaana ay xoojinayaan Saaxiibtinimada qotada dheer ee dhaxeysa Soomaaliya iyo Sudan.

Heshiisyo kale oo dheeraad ah, Halkan Ka Akhriso

Goobjoog News