U bood dhigaalka

Hey’adaha Isgaarsiinta Dalka Oo Loo Qabtay Muddo 45 Cisho Ah In Ay Isku Diiwaangaliyaan

Sheeko:Dalka

Kulan maanta ay Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah masuuliyiinta wasaaradaha Warfaafinta iyo kuwa isgaarsiinta ayaa waxa ay uga hadleen sharciga isdiiwaangalinta iyo hanaanka bixinta ruqsadaha shirkadaha isgaarsiinta dalka ka howlgalla.

Hey’adda isgaarsiinta qaranka ayaa waxa ay sheegtay in muddo 45 cisho ah ay u qabanayaan shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa warbaahinta, waxa ayna sheegeen in shirkaddii horay u heysatay ruqsad ay soo mari doonto hey’adda isgaarsiinta qaranka.

“Maanta laga bilaabo muddo 45 maalin ah cid kasta oo ka shaqeysa xarumaha ay maamusho hey’adda isgaarsiinta waa in ay qaataan ruqsadaha, warbaahinta waxaan u sheegaynaa ruqsad qaadashada waxa ay ka bilaabmeysaa wasaarada warfaafinta ciddii aqoonsi ka heysatana waa in ay noo keenaan, ciddii aan heysana ay ka soo qaataan wasaaradda warfaafinta” ayuu yiri maareeyaha hey’adda isgaarsiinta qaranka Cabdi Sheekh Axmed.

Amarkan ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli maanta hey’adda isgaarsiinta qaranka ay daah furtay hanaanka bixinta ruqsadaha shirkadaha.

Goobjoog News