U bood dhigaalka

Hey’adaha Sirdoonka UK Oo Ku Tuntay Waxyaabaha Dadka Gaarka U Ah

Hey’adaha sirdoonka waddanka UK ayaa la sheegayaa in ay ku xad-gudbeen shacabka dalkaasi kadib markii ay si sharci darro ah ugu dhaceen waxyaabaha ama kuusuusiyaadka gaarka u ah dadkaasi.

Sida ay sheegtay wargeyska Investigatory Powers Tribunal, Maxkamad dacwada fiirineysay ayaa sidaa caddeysay, dacwada waxaa laga gudbiyay hey’adaha kala ah GCHQ, MI5 iyo MI6, kuwaas oo shacab badan u dhacay khusuusiyadooda.

Maxkamadda waxaa ay sheegeysaa in waxyaabaha la uruuriyay uu ka hor imaanayo xeerarka xuquuqda aadanaha ee Yurub.