U bood dhigaalka

Hey’adaha Xuquuqul Insaanka oo xaqiijiyey Furnaanshiyaha Xabsiga Godka Jilacow

Sheeko:Dalka

Qaar ka tirsan hey’adaha xuquuqul insaanka ee ka hawl gala magaalada Muqdisho ayaa Goobjoog New u xaqiijiyey inuu weli furan yahay xabsiga godka Jilacow, dadkana  lagu xiro.

“Waan tagnay xabsiga isaga oo weli shaqeeyo, waxaan ka mid aheyn hey’adaha dalbaday xarigiisa laakin markii aan bilo kadib aragnay inuu furan yahay, waxaa ay hey’adda NISA ee gobolka Banaadir nagu dhaheen waa shaqo KMG ah, oo rasmi ma aha”, waxaa sidii yiri mid ah agaasimeyaasha hey’ad xuquuql insaanka oo u dooda arrimaha la xiriira caafimaadka iyo dadka, codsanaya in aan magaciisa la sheegin.

Dhanka kale, weli waxaa Goobjoog News la soo xiriiraya dad lagu xiray Godka Jilacow dhowrkii bil ee ugu dambeysay, doonayana in arrinkan ka hadlaan, qaarkood waxaa ay noo sheegeen in dadka lagu jirdilo.

Mar sii horeysay mas’uul u hadlay dowladda isna codsaday in magaciisa aan la xusin ayaa qiray inuu weli shaqeeyo xabsiga Godka Jilacow, loona isticmaalo baarista dadka ay soo qabato NISA gobolka Banaadir, laakin dhowaan laga guuri-doono.

December 16,2018: Xaflad ay goobjoog ka ahaayeen wasiirada cadaaladda iyo amniga ee DF ayaa si rasmi ah loogu xiray xabsiga godka Jilacow iyada oo la shaaciyey in loo badalay akaademiyadda Jilicow oo lagu tababari doonno NISA.

Hey’adaha amniga  ee dowladda federaalka ah ayaa ka baxay balantii ay qaadeen wasiirrada iyaga oo soo xeliyey shaqada xabsigii, lamana oga sida ay dowladda ka yeeli-doonto.

Goobjoog News