U bood dhigaalka

Hey’adda Dib-U-Soo Celinta Qaxootiga: 60,000 Ayaa Dib U Soo Noqotay, Laakin 100 Kun Ayaa Ka Maqan Dhadhaab

Sheeko:Dalka

Axmed Daahir guddoomiyaha hey’adda dib-u-soo celinta & dib-u-dejinta qaxootiga iyo barakacayaasha oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in shirkan IGAD lagu go’aammin doono labo arrin: in qaxootiga Soomaaliyeed meesha ay joogaan lagu siiyo xuquuqdooda oo dhan walbo iyo in qofkii doonaya in uu soo laabto loo diyaariyo qaab iyo jawi uu ku soo noqon karo.

Mr. Dahir waxaa uu sheegayaa in sanadkii tagay 2016-kii iyo labada bil ee sanadkan ugu horreeysay ay Soomaaliya dib ugu soo noqdeen illaa 60,000 oo qaxooti ah, dadkan waxaa ay ka soo tageen xerada Dhadhaab ee dalka Kenya.

“Boqol kun ayaa xerada Dhadhaan ka maqan, marka laga reebo 60,000 ee dalka dib ugu soo noqday, waxaa jira 40,000 oo siyaabo kala duwan xerada uga tagay, intooda badan Soomaaliya ayey iskood ugu soo laabteen iyo qaar meelo kale aaday” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay guddoomiyaha hey’adda dib-u-soo celinta & dib-u-dejinta qaxootiga iyo barakacayaasha .

Axmed Daahir  waxaa uu sidoo kale sheegay in hadda xerada ay ku sugan yihiin illaa 275,000 oo qaxooti ah, kuwaas oo 40,000 oo ka mid ah is-diiwaan geliyeen oo safar sugayaan iyo in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan.

Guddoomiyaha hey’adda dib-u-soo celinta & dib-u-dejinta qaxootiga iyo barakacayaasha waxaa uu ugu dambeyntii ka hadlay in dadkii qaxootiga ahaa ee Soomaaliya ku soo laabtay ay intooda badan la qabsadeen kadib markii sida uu sheegay la siiyay noloshii ay halkaasi ku heysteen.

“Dadka marka la soo wadayo waxaa la siiyaa lacag, markii ay halkan yimaadaan noloshooda waxaa la dabaraa 3 bil, hadda waxaa la hayaa illaa 6 bil, qaarkood xitaa waxbarasho waa loogu daraa” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

In ka badan hal mliyan qaxooti Soomaali ah ayaa 25-kii sano ee ugu dambeeyay waxaa ay ku noolaayeen dalalka dariska ah, intooda badan Kenya, Yemen, Itoobiya iyo Uganda, dadkaas ayaa la wadaa qorshe ay iskood ugu soo noqonayaan, shirka maanta ayaa kala cadeyn doona sida loo wajahayo.

War Murtiyeedka Shirka, Kala soco, Goobjoog News