U bood dhigaalka

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Oo Dhaliishey Ganacsatada, Kana Digtey Keyd La’aanta Waddanka Ka Jirta

Sheeko:Dalka

Maxamud Sheekh Xasan, madaxa kormeerka iyo dabagalka hey’adda maareynta masiibooyinka qaranka ayaa sheegey in abaaraha iyo dhibaatooyinka soo laab-laabtey ee dalka ka jira ay wehliyaan Soomaaliya oo aan laheyn keyd loogu talo-galay in la adeegsado markii ay dhibaato timaado.

Maxamed Sheekh waxaa uu sheegayaa in dalka dhibaato ka jirto“Abaarta Soomaaliya wey soo laalaabatay, midda maanta jirtana ilaaheyn naxariistissa lagama quusto  waa mid aan dareemeyno culuyskeeda wixii markay iskaga dabo tageen uusan is badel jirin  waxay hayaan way siiliicayaan”.

Xasan oo ka hadley gobollada ay saameysay waxaa uu sheegey“ abaartu ka soo bilow gobolada waqooyi ka soo bilow ilaa koonfurta wey ka jirtaa weyna sii kala darantahy heerkii ugu sareeyay, abaarta waxey mareysaa iney xoolihii waayaan daaq ay cunaan  dhimashana ay bilaabaan dadkana waxaa la sheegayaan iney qaar dhinteen wallow aan tirokoob sax ah aan heyn”.

Mar uu ka hadlayey saameynta waxaa uu yiri“Shalay waxaa xafiiskeena nagu soo booqday dadkii ka yimid tuulooyinka shabeelaha hoose ku yaallo sida  Qoryooley ka socda,   kana soo cararay dhibaatooyinka abaaraha cabsida aan muujineyno waxay tahy  haddi aan roob la helin  dhibku inuu badanayo  hadaan la helin diyaargarow sax ah uusan hadda in falarka uusa soo bixin  dadka meeshooda in lagu gargaaro, hadaan la helin kaalmo dedeg deg ah inuu dhibka badanaayo cabsidaas ayaa nahaysa.

Dhanka Keyd la’aanta dalka ka jirta waxaa uu leeyahay“Annaga keyd gaar ah masmeyn karno,  waxaan ku taalo jirnaa inuu waddanka uu keyd  helo,   abiilka wadada ayaan haynaa kaliya laakin ilaa iyo hadda wax aan heyno majirto yabooha wuu badanyahy waana rajo fiicannahy”

Ugu dambeyntii, madaxa kormeerka iyo daba-galka hey’adda maareynta musiibooyinka waxaa uu dhaliil u jeediyay ganacasatada Soomaaliyeed gaar ahaan shirkadaha waaweyn oo ilaa iyo hadda sida uu sheegeyn aan lagaheyn wax musaacido ah oo ay u gargaarayaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Goobjoog News