U bood dhigaalka

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo Gargaarka Ka Qeybisay Maxaas

Sheeko:Dalka
Hey’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Maanta Deeq Gargaar raashin ah ka qeybisay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Mucaawinadaan oo isugu jirta qeybaha kala duwan ee raashinka ayaa waxaa ka faa’iidaystay qoysas gaaraya 300 Qoys, kuwaas oo ku nool degmada.
Qoysaskan gargaarka la gaarsiiyey ayaa ah Dadka ka soo barakacay Abaaraha iyo dagaallada ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay kula jiraan Al-shabaab.
Goobjoog News