U bood dhigaalka

Hey’adda Maareynta oo Gargaar Gaarsiisay Qoysas Ku Barakacay Roobkii Caasimadda Ka Da’ay

Sheeko:Dalka

Magalaada Muqdisho Iyadadoo sacadihii la soo dhaafay uu ka da’ay Roob Xooggan oo geystay qasaaro iskugu jira dhimasho, Burbur soo gaaray Guryo iyo Gadaadid,Biyaha badan oo ka dhashay Robkaasna ay buux dhaafiyen xaafaddo iyo inta badan Wadooyinka muhiimka ah ee Caasimada ayaa dowladdu bilowday gargaar loo fidiyay bulshada uu saameeyay Roobka.

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA oo ka duuleysa saameynta ka dhalatay Roobka iyo dadka ku barakacay ayaa waxa ay gurmad balaaran u fidisay xalay dad badan oo guryahooda biyaha ugu galeen kuwaas oo si KMG la iskugu geeyey degmada wartanabada ee Gobolka Banaadir, halkaas oo mas’uuliyiin dowladda iyo maamulku ku kormeereen.

Hay’adda SoDMA ayaa xalay gawaari nuuca xamuulka qaada ah oo sida Raashinka qeybhiisa kala duwan iyo Dhar waxa ay gaarsiisay boqolaal dad ah oo sameen Roobkaas ka so gaartay iyadoo gargarkaan ku daabushay xarunta degmada wartanabada si loo sii gaarsiiyo degmooyinka kale ee dhibatada roobkaas ka soo gaartay bulshada ku nool caasimadda uu saameeyay.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiobioyinka Qaranka ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle oo ay wehliyaan Raisulwasaare ku xigenka XFS Saalax Axmed Jaamac, Wasiiro,Guddoomiyaha Gobolka Banadir,Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa gargaarkaan gudaha degmada Wartanabada ugu qeybiyey qoysas biyaha ay la tageen guryahooda.

Mas’uuliyiintaan ayaa sidoo kale kormeeray biya xireeno ku yaala degmooyinka  Howlwadaag, Wartanabada Waabari, Wadajir iyadoo dadka danyarta ah lala gaaray Booyado biyaha xafadooda ka bixiya, waxaana maamulka dowladda hoose ay wadaan saqo.

Goobjoog News