U bood dhigaalka

Hey’adda NISA oo Ka Warbixisay Agab Ku Socday Al-shabab oo Gacanta Lagu Dhigay

Sheeko:Amniga

Hey’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in Dekadda magaalada Muqdisho lagu qabtay agab kale duwan iyo saanad ciidan oo ku sucotay dagaalamayaasha Al-shabaab, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa.

Wasiirka ayaa sheegay in waxyaabaha la qabtay ay isugu jiraan agab ciidan, sida dharka ciidanka walxaha laga sameeyo Qaraxyada iyo gadiid, waxaana uu intaas ku daray in alaabtaan soo dejinteeda dadka loo qabtay ay ku jiraan Ganacsato, kuwaas oo u qaabilsanaa soo dejinta, kuwaas uu sheegay in cadaaladda la hor keeni doono.

“Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa Dekadda Muqdisho ku qabtay alaabo ay ciidanku ay isticmaalaan oo ay ku jiraan saanad ciidan, kuwaas oo loo waday Khawaarijta Al-shabaab. Sirdoonka Soomaaliya ayaa si dhow ula socday saanadda ciidan oo logu soo dhexqariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo gelinayay ilaa iyo Wadankii laga soo qaaday iyo mudadii laga shaqeynayay” ayuu yiri Wasiir Xagaa.

Ciidanka Hey’adda Nabad sugidda ayaa muddooyinkii dambe baaris iyo dabagal ku waday waxyaabaha dalka la soo geliyo, kuwaas oo ganacsi ahaan uga soo gala dekadda iyo Airporka caasimad, waxaana hey’addu sheegtay in looga golleeyay in laga ilaalinta amniga iyo in laga hortago falalka amni darro ee ka dhaca caasimaddka.May be an image of 1 personMay be an image of 1 person

No photo description available.No photo description available.May be an image of textMay be an image of van and ambulanceGoobjoog News