U bood dhigaalka

Hey’adda TIKA Oo Dhiseysa Guri Uu Si KMG Ah Ugu Shaqeynayo Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Soomaaliya iyo Hay’adda hormarinta Turkiga ee TIKA ayaa maanta kala saxiixday heshiis ku saabsan dhismaha guriga KMG ah oo ay ku shaqeyn doonaan xildhibaannada golaha shacabka iyo sidoo kale dhismaha guriga Umadda.

Guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in si degdeg ah loo bilaabayo dhismaha guriga KMG ah ee ay ku shaqeyn doonaan, kaasi oo lagu dhisi doono muddo Shan bil ah, kadibna u guuri doonaan si loo dhiso guriga umadda.

Waxa uu guddoomiye Jawaari u mahadceliyey dowladda Turkiga oo dhimsha guryahan fulineysa.

“Waxaan maanta kala saxiixanay Protocol-kii dhismaha aqalka KMG ah ee loo dhisayo golaha shacabka iney kusii shaqeeyaan inta laga gaarayo dhismaha weyn ee golaha umadda, oo mustaqbalka ku shaqeyn doonaan Labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed, waxaa si degdeg ah u bilaaban doono marka kan la saxiixo aqalka KMG ah oo sida la ii sheegay ku dhammaan doono muddo 5 bil ah kadibna halkaasi u guuri doonno, mahad gaar ah ayaan rabaa inaan u celinno deeqda ay inoogu deeqday dowladda aan walaalaha ee Turkiga” ayuu yiri guddoomiye Jawaari.

Dowladda Turkiga ayaa horey u ballanqaadday dib u dhiska xarumo muhiim u ah howlaha shaqo ee dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo mashaariic badanna dalka ka fuliyey.

Goobjoog News