U bood dhigaalka

Hey’addee Maamuleysa Lacagta doorashada 2016-ka?

Sheeko:Dalka

Guddiga hirgelinta doorashada dadban ee dalka waxaa ay ku dhawaaqeen  in xubnaha u tartamaya labada aqal lacagta murashaxnimada ay ku shubi-doonaan Bangiga Dahabshiil account:  104104638, hadaba waa su’aale yaa lacagtaas maamulaya? sidee loo isticmaalaa, waxaa intaa oo dhan ka muhiimsan: waa imisa wadarta guud ee lacagta doorashada? inta soo hartase yaa qaadanaya?!!

Yaa Maamulaya Lacagta Dooarashada dadban 2016-ka?

Lacagta doorashada marka lagu shubo Dahabshiil account ee 104104638, waxaa la sheegayaa in loo wareejin doono Akoon ay leedahay hey’adda UNDP taas oo si rasmi ah u maamuli doonta lacatga doorashada dadban ee Soomaaliya 2016-ka!!

Su’aalo badan ayaa la iska weydiin karaa sababta hey’adaha dowladda Soomaaliya looga aamin baxay oo Ajaanib u maamulayaan lacagta doorashada 2016-ka?   Iyo xitaa sababta loo aamini waayey Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo Bank gaar ah loogu shubayo lacagta doorashada? Arrimahaas waa qormo maalin kale u baahan!!

Sidee Lacaga Loo Shubayaa?

Murashaxiinta labada aqal, rag iyo haweenba, qof kasta oo doonaya in uu u tartamo labada aqal ama xitaa madaxweynimo, waxaa laga doonayaa in uu Akontigaas lacagta ku shubo, ugu yaraan halkii kursi oo labada aqal ka tirsan waxaa laga doonayaa in labo murashax ku tartammaan.

Imisa ayaa Tartameysa:

Aqalka hoose ama Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu ka kooban yahay ilaa 275 Xildhibaan, tirada ragga laga doonayo baarlamaanka Soomaaliyeed ugu yaraan waa 193 Xildhibaan halka haweenka ay baarlamaanka ku yeelan doonaan ilaa 82 Xildhibaan.

Lacagta Ragga ee Labada Aqal:

Haddii ragga aan labo keliya ka soo qaadno in ay u tartamayaan halkii kursi ee Baarlamaanka ah oo ka tirsan 193-ka ragga la siiyay waxaa ka soo xaroon karta lacag dhan: $1,930,000

Sidoo kale tirada aqalka sare waa: 54 kursi, Ragga waxaa laga rabaa 38 Xubnood halka Haweenka la sheegay in ay helayaan 16 Xubnood.

Haddii aan dhahno labo qof ayaa ku tartamaya 38 kursi ee ragga la siiyay oo qeyb ka ah 54-ta aqalka sare, lacagta halkaas laga helayo waa $760,000- 

Lacagta Haweenka ee Labada Aqal:

Aqalka hoose ama baarlamaanka, haweenka waxaa loo qoondeeyay ilaa 82 Xildhibaan, haddii aan dhahno labo haween ah ayaa halkii kusri u tartameysa waxaa la filan karaa lacag dhan $410,000.

Aqalka sare, waxaa ay haweenka ku yeelan doonaan ilaa 16 Xubnood, haddii aan dhahno halkii kursi waxaa u tartamayo labo haween ah waxaa la filan karaa lacag dhan $160,000-

Madaxweynennimada:

Lacagta laga rabo qofka murashax madaxweynaha noqonaya sanadkan waxaa ay ilaha qaar sheegayaan $20,000, haddii aan dhaho 15 murashax ayaaa soo istaageysa doorashada 2016-ka, in kasta oo ay tirada intaas ka badan karto, 15 murashax keliya waxaa la filan karaa lacag dhan $300,000

Wadarta: Lacagaha murashaxiinta labada aqal iyo madaxweynenimada celcelis ahaa la filanayo waa $3,560,000, waxaa lacagtaas ay labo jibbaarmi kartaa ama xitaa ay ka sii badan kartaa marka halkii kursi oo labada aqal ah ay u tartamayaan labo qof wax ka badan.

Oday dhaqameed ka tirsan 135-ta oo aan la hadalney waxaa ay sheegeen in kuraasta qaar ay u tartamayaan 5 murashax iyo in ka badan, laakin arrintaas waa mid xaqiijin iyo warbixinno kale u baahan!!

Lacagta Doorashada Dadban 2016-ka:

Doorashada dadban ee 2016-ka, waxaa ku baxeysa lacag ilaa $14,000000 ah, Lacagtaas waxaa loogu talo-galay in laga keeno ama loo helo sidan: $8,000000 oo ah 60% waxaa bixin doonta beesha caalamka, 16% oo ah ilaa $2,000000 waxaa laga rabaa dowladda dhexe halka inta soo hartay oo ilaa $4,000000 ay noqon doonto lacagta laga qaado murashaxiinta labada aqal iyo madaxtinnimada ee doorashada 2016-ka.

Sidee Loo Isticmaalayaa:

Lacagta Murashaxiinta laga qaadayo waxaa loola jeedaa: in dad badan aaney isa soo sharaxin, in lacagtaas, 70% lacagta ka soo xarooto labada aqal waxaa lagu qarash-gareen doonaa dowlad goboleedyada iyo goobaha ay doorashada ka dhacesyo halka 30% la siin doono guddiga doorashada ee heer federal.

Tirada Lacagta ee Ragga ee Labada Aqal:

Ragga u tartamaya labada aqal waxaa shardi looga dhigay in ay bixiyaan labo-jibaar lacagta laga rabo haweenka, Aqalka hoose ama Baarlamaanka,  ragga waxaa tartame kasta laga qaadayaa $5000 halka aqalka sare ragga laga qaadi doono tartame kasta ilaa $10,000.

Haweenka Labada Aqal: Haweenka waxaa laga qaadi doonaa aqalka hoose $2500 oo ah 50% lacagta ragga laga qaado, halka aqalka sare laga qaadi doono %5000 oo sidoo kale u dhiganta 50$ inta ragga laga qaadayo.

Guddiga doorashada dadban, waxaa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan xogtan iyo su’aalo badan oo warbixintan ku saabsan, waxaa jira su’aalo badan oo in la isweydiiyo u baahan?

Sababta UNDP lacagta ay u maamuleyso? Imisa murashax ayaa la ogol yahay in ay u tartammaan halkii kursi oo ka tirsan labada aqal, 2 ugu yaraan waad sheegteen, Maxaa loo sheegi waayey ugu badnaan? Mise lacagta in ay badato ayaa la doonayaa?

Lacagta Doorashada 2016-ka ee Murashaxiinta laga rabo waa $4,000000, Lacgtan waxaa ay soo xareyn karta haddii halkii kursi oo labada aqal ah ay labo qof u tartamaan, ka waran haddii inta dad badan ay tartamaan la helo ilaa 10 Milyan, Lacagtaas halkee la geynayaa? Lacagtaas yaa iska leh?

Waxaa kaloo jawaab u baahan sida loo hubin karo lacagta 2 Milyan ah ee dowladda dhexe laga doonayo in ay bixiso? Yaase hubinaya in ay bixiyeen?

Su’aasha ugu qatarsan waa haddii lacagta doorashada 2016-ka ee lagu sheegay 14 Milyan, hadana ay guddiyada doorashada dhahaan waxaa u baahannahay lacag intaas ka badan?

W/Q: Abdi Aziz Gurbiye,