U bood dhigaalka

Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliya oo lagu soo bandhigay dalka Maraykanka

Sheeko:Dalka

Waxaa bandhig hidaha iyo dhaqanka Soomaalida lagu qabtay jaamacadda Machigan ee dalka Maraykanka xaruntiisa Eppley, halkaasi oo arday Soomaaliyeed oo huwan labo qeyd oo ah dharkii hidaha iyo dhaqanka Soomaalida ay kusoo bandhigeen masrixiyad aad u qurux badan.

Ardaydani oo ka socda urur ay leeyihiin oo lagu magacaabo Somali Association of Michigan ayaa ardayda kale ee muwaadhiniinta Maraykanka oo boqolaal gaarayay iyo waliba kasoo qeybgalayaal kale barayay taariikhda Soomaaliya, dhaqanka, dhulka, iyo waliba kheyraadka.

Waxay sidoo kale goobta ahayd meel maad iyo qosol, isbarasho iyo isdhexgal ardada ay sameynayeen.

“Waxaan isku dayaynaa in dhaqankeena aan tusno dad badan oo aanan garanaynin xitaa meesha ay Soomaaliya kaga taalo adduunka” ayuu yiri guddoomiyahay ururkani oo sidoo kale ah sheeybaariste Cabdiqaadir Muriidi. Wuxuu intaasi ku daray in uu rajaynayo in ardada wax badan ka fahmaan dhaqanka Soomaaliga, meeshana kala tagaan aqoon badan oo ay u leeyihiin dadka iyo dalka Soomaaliya.

Mid kale oo ardayda ka mid ah ayaa sheegey in ardayda badankooda ay aragti qaldan ka qabaan Soomaalida, sidaasi darteedna ujeedka bandhigani uu yahay in la badalo arrintaasi.

Ururkani ay leeyihiin ardada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ka shaqeeya barnaamijyo ardada Soomaaliyeed loogu leylinayo sidii ay ola qabsan lahaayeen waxbarashada jaamacadda iyo waliba nolosha Maraykanka, iyagoo mar kasta u adeega danaha Soomaalida.

Guud ahaan jaaliyaadka Soomaalida adduunka, oo ay ka midyihiin ururada ardayda ayaa meelo kala duwan oo adduunka ka qabta hawlo badan oo ku aaddan Soomaalinimada iyo sidii wax looga qaban lahaa danaha Soomaalida ee guud.

Goobjoog News