U bood dhigaalka

Hindiya: Atoore Caan Ah Oo Siyaasadda Ku Biiray

Sheeko:Dalka, War

Atooraha  Filimaanta Hindiga Rajinikanth ayaa maanta sheegay in uu kusoo biirayo siyaasadda, sheegana in uu xisbi ugaar ku dhawaaqi-doono.

Rajinikanth(Soomaalida u taqaan Jeestoole) oo aad looga jecelyahay koonfurta Hindiya gaar ahaan gobollada ay deegaan Tamil Nadu ayaa intaasi raaciyay in go’aankaasi u qaatay baahi taagan iyo waqtiga oo ku qasbay.

“Waxaan gudan-doonaa waajibkeyga, waan badali-doonnaa maamulka” ayuu sheegay atoorahan 67 jirka ah. Waxaa lagu wadaa in xisbigiisa uu ka qeyb-qaato doorashada ka dhici-doonta Tamil Nadu 2021-ka.

Rajinikanth waxaa uu sidoo kale sheegay in hal-ku-dhegga xisbiga noqon-doono run, horumar iyo howl-kar.

Atoorahan Rajinikanth  in kasta oo filimaantiisa ku yar yihiin dhanka Bollywood-ka hadana koonfurta Hindiya waa atooraha ugu caansan.

Goobjoog News