U bood dhigaalka

Hiil Qaran: Farmaajo Waa in Laga Hor istaago Dhoolatus aan Dastuuri Aheyn oo uu Awoodda ku sii heysto

Sheeko:Dalka

Qoraal kasoo baxay xisbiga Hiil qaran ayaa lagu sheegay in fashilka Villa Somalia uu khatar gelinayo Soomaaliya. Xisbigan Hiil Qaran waxaa uu bayaankiisa ku xusay in natiijada ka dhalatay doorashadii 2017-kii ay shacabka niyad wanaag u muujiyeen laakin lix bil uun kadib la arkay karti xumida maamulka iyo inuu u hammuun qabo kaligiitalisnimo iyada oo ay meesha ka baxday rajada ay shacabka ka qabeen nabad, dib u heshiisiin iyo xikmad siyaasadeed ay wax walba noqdeen hal bacaad lagu lisay.

“Kooxda Mr. Farmajo oo u ooman xukun ballaarsi ayaa ayaa ku dhegay dowlad goboleedyada si ay si buuxda gacanta ugu dhigaan gobollada deegaannadaas.  Xakamaynta gobolladaasi, waxay moodayeen, inay ka caawinayso inay sugaan doorashada madaxtinnimada ee 2020. Dowlad goboleedka Galmudug ayaa noqday bartilmaameedka koowaad” ayaa lagu yiri qoraalka.

Arrimaha bayaanka lagu sheegay waxaa ka mid ahaa in talaabadaasi ay xigeen ceyrinta guddoomiyaha maxkamadda sare oo lagu bedelay qof aan garsoore noqon, sida ay u daba dhigteen madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo iskudeygii dhicisoobey ee tuurista madaxweynaha Jubbaland. Iyada oo ay u dheertay Xasilooni la’aanta Muqdisho iyo istaraatiijiyadda Villa Somalia ee ladagaalanka Al-shabaab oo noqotay jidgooyada Muqdisho taasi oo dhibaato ku noqotay muwaadinka iyada oo ay meesha ka baxday riyadii ay dadku ka qabeen doorasho “qof iyo cod “ah.

“Argagax ayey ka qaadeen Villa Somalia goorta uu ra’isul wasaaraha ka hadlay iney mustaxiil tahay dib u dhigista doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha. Markaas kadib si sharci darro ah ayaa lagu ceyriyey” ayaa bayaanka lagu sheegay.

Waxaa kale oo bayaanka Hiil Qaran looga hadlay sida xukuumadda xilka sii heysa ay u soojeediyeen xubnaha guddiga adeegga garsoorka oo mas’uul ka noqon xulista garsooreyaasha iyo dhismaha maxkamadda dastuuriga ah, taasi oo 3.5 lagu guuldareystay.  Tallaabadan ayey ku sheegeen in ujeedku tahay in la dhiso maxkamad dastuuri ah oo la jirta madaxweynaha. Waxaa kale oo lagu xusay sida ururka qareennada Soomaaliyeed u diideen 2 xubin oo ay soo xushay Villa Somalia taasi oo ay sidoo kale dhaleeceeyeen ururada bulshada rayid ah, kuna tilmaamay sharci-darro.

Bayaanka xisbiga Hiil Qaran waxaa looga hadlay oo kale in sadexdii sano ee tagay aanu maamulka Farmaajo la iman hal guul balse taa badalkeeda uu sameeyey siyaasadda iyo bulshada, sidaa darteedna la gaaray in laga hor istaago dhoolatus aan dastuuri aheyn uu awoodda ku sii heysto.

Hiil Qaran, wuxuu ugu baaqayaa dhammaan Soomaalida wanaagga jecel inay gacmaha is qabsadaan oo ay bilaabaan safar cusub oo qaranka dib lagu yagleelayo, iyada oo laga bilaabo in laga hortago dhoolatuska maamulka ee sharci-darrada ah.

Goobjoog News