U bood dhigaalka

Hiiraaan: Deegaanno Dhowr Ah Oo Looga Barakacay Biyo La’aan Awgeed

Sheeko:Dalka

Kadib biyo la’aan baahsan oo ka jirta degaannada waqooyi ee gobalka Hiiraan bartamaha Soomaaliya ayaa sababtay in degaannadaasi lagaa barakaco.

Wararka ayaa sheegaya in Kumanaan qoys ay isaga hayaameen dhowr degaan oo ku yaalla gobalka Hiiraan gaar ahaan dhanka degmada Matabaan.

Tuulooyinka ay ka jiraan biyo la’aanta ayaa intooda badan laga barakacay, waxaana biyo la’aantani keentay markii ay gureen baraago dadkaasi biyaha ay ka cabi jireen.

Maamulka degmada Matabaan ayaa sheegay in fuustada biyaha la iibinayo Boqol iyo Konton Kun oo Shillinka Soomaaliga ah taas oo dhib ku ah dadka shacabka ah ee deggan degaannadaasi, waxaana sidoo kale arrintani ay saameysay Duunyada.

Guddoomiye xigeenka Matabaan Sheekh Doon Faarax Waare oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in biyaha laga keeno degaanno masaafo ahaan ka fog tuulooyinka ay biyo yarida ka jirto.

Qiimaha biyaha oo sare u kacay ayaa sabab u noqday in dadka qaarkood ay heli waayaan wax biyo ah, iyadoo dhowaanahan aan la helin xilli roobaadkii.

“Annaga wax dhaqaale ah ma heyno, codsi ayaan u direynaa cid walba oo gurmad soo gaarsiin karta dadka iyo duunyada ku nool Matabaan iyo degaannada hoostaga oo biyo la’aan daran ay heysato” ayuu yiri guddoomiye xigeenka.

Ugu dambeyn biyo la’aanta ka jirta degaannada waqooyi ee gobalka Hiiraan ayaa soo jiitamaysay illaa muddo Sadddex Bil ah.

Goobjoog News